WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Shabeelaha Hoose oo lagu wareejiyay Maxkamadaha

01/10/06, Kariidad muujineysa aagga ay Maxkamadahu xukumaan Yusuf Siyaad Indha-Cadde oo ahaa guddoomiyihii gobolka Shabeelada Hoose ayaa Sabtidii (30kii September 06) xilkii gobolkaas ku wareejiyey Maxkamadaha Islaamiga.

Xil wareejintaas waxa ay ka dhacdey Xaflad lagu qabtey magaalda Afgooye. Mr Indha-Cadde oo halkaas ka hadley ayaa yiri "laga bilaabo maanta, waxa aan ku wareejiyey maamulkii Gobolka Shabeelaha Hoose Maxaakiinta Islaamiga ee Soomaaliyeed".

Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxkamadaha, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isaguna halkaas ka hadley ayaa yiri "maamul in lagu bedelo maamul arin fudud ma ahin".

Siikh Shariif

Waxa uu Shiik Shariif xusey in kala wareejinta lagu hormarin doono arimaha ciidamada iyo ammaanka, laguna xijin doono Garsoorka ayna ugu dambeeyso arimaha maamulka.

Waxa uu Shiikh Shariif carabka ku dhajiyey in dhammaan dadkii ka shaqeyn jirey gobolka Shabeelada Hoose ay weli masuuliyaddoodii sii hayn doonaan oo qofkii aan la soo badelin uu sii heynayo jagadii iyo hawshii uu u xilsaarnaa.

Waxa wararku sheegayaan in Sabtidii la qaadey dhammaan Isbaarooyinkii yaaley gobolka Shabeelada Hoose oo tiradoodu gaareyso ilaa todobo jid-gooyo.


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar