24/12/05,
Ciidamada FBIda oo wax baaraya
Xukuumada Maraykanka ayaa sheegtay in ay ilaa iyo afar sanadood ay waday barnaamij aad sir uh ah oo ay kula soconayso,
kuna dhagaysanayso goobaha muslimiinta waqtigii ka dambaysay 11kii sept sanadkii labada kun markii weerarada
arrgagixiso lagu qaaday magaalada New York iyo Washington.
Barnaamijka qarsoodiga ah ee dhegaysiga shucaaca hawada sare mara ee dalka Maraykanka waxaa daboolka
laga qaaday maalintii shalay oo ay soo baxday warbixin lagu soo daabacay majallad amaba wargeys waqti
ka waqti soo baxa oo la yiraa US News and World Report.
Markii uu barnaamijkaasi meesha ugu sarreysa marayay, waxaa la dhegaysanayay 120 goobood maalintii
magaalada Washington oo dhan, iyo sidoo kale bartimaameedyo ku yaalla ugu yaraan shan magaalo oo kale
oo ay ku jiraan New York, Chicago iyo Detroit, waxaana la dhegaysanayay dhammaan goobo ay muslimiintu
leeyihiin, sida masaajidda, dhismayaasha xafiisyada iyo guryo gaar loo leeyahay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladda waxaa uu sheegay in barnaamijkaasi uu yahay lagama maarmaan
maadaama ay Al Qaacida ka go'an tahay in ay hesho oo gacanta ku dhigto hubka nukliyeerka.
Sarkaal kale oo ka tirsan wasaaradda caddaaladda waxaa uu sheegay in maadaama dhegaysigu uu ka dhacay
goobaha dadweynaha sida waddooyinka iyo meelaha baabuurta la dhigto, aan loo baahnayn in la
soo qaato waaran amaba amar maxkamadeed.
Barnaamijka dadka lagu dhegaysanayo waxaa dhaleeceeyay hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee
waddanka Maraykanka, iyagoo mar kale sheegay, in dowladda Maraykanku ay bartilmaameed
ka dhigatay muslimiinta sababtuna ay tahay inay muslim yihiin oo keliya.
Arrintani waa markii 2aad ee daboolka laga qaado toddobaadkii la soo dhaafay in
maamulka Bush uu basaasayo dadka waddankiisa, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya
in fiilooyin telefoon lagu xiray goobaha dad lagu tuhunsan yahay inay hawlo argagixiso ku lug leeyihiin.
Source: BBC
Ogadennews -
CONTACT BY EMAIL