OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

Mareykanka oo qabtay burcad baddeed Somali ah


20/03/06,
Markabka dagaalka Mareykanka Hadalka ka soo baxay ciidanka badda ee dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in labada markab ee dagaalka, oo la kala yiraahdo USS Cape St. George oo ay ku rakiban yihiin gantaalaha magaalooyinka lagu garaaco iyo USS Gonzales oo ay ku rakiban yihiin gantaalaha maraakiibta lagu burburiyo.

Mareykiibtaasi Mareykanka ayaa sameenayay hawlgallo xagga ammaanka oo ay ka wadeen badda Somalia qiyaastii meel 25 mile u jirta xeebta dalka Somalia markii ay arkeen doon ay ka shakiyeen oo jiidaysa labo doonyood oo yar-yar.

Markabka Maraykanka ee maraakiibta duqeeya ayaa markaasi waxaa uu koox ciidankiisa ka mid ah u diray in doontaas fuulaan. Waxayna dareemeen in ay doonnida saaran yihiin rag ay uga shakiyeen in ay yihiin burcad badeed, kuwaas oo ku soo taagayay wax u muuqday inay yihiin qoryo bombooyin lagu xiray.

Sida bayaanka lagu sheegay, raggii burcad badeedka lagu tuhunsanaa ayaa waxay markaasi ka dib rasaas ku fureen maraakiibtii ciidanka badda ee Maraykanka, kuwaas oo iyaguna rasaas ugu jawaabay ay ka rideen qoryaha darandooriga u dhaca si ay isu difaacaan.

Hal qof oo lagu tuhunsan yahay in uu burcad badeed yahay ayaa halkaasi ku dhintay, waxaana uu dab ka qarxay doonnidii uu saarnaa.

Ciidanka badda ee Maraykanku ayaa waxay sheegeen in ay qabteen 12 qof oo lagu tuhunsan yahay burcad badeed, ayna ka furteen qori noociisu yahay RPG iyo hubka darandooriga u dhaca.

Waxay sheegeen in nin dhaawac ah hadda la daweynayo. Ciidanka badda ee maraykanka cid shilkaasi kaga dhaawacantay ma jirto.

Maraakiibta dagaalka ee Maraykanku waxay ilaalinayeen aaggaasi, iyagoo qayb ka ah ciidan uu horkacayo waddanka Dutch-ku amaba Holland oo isku-dhaf ah.

Badda Soomaalida ayaa waxay ka mid tahay meelaha adduunka ugu khatarsan oo ay ka qaraabtaan burcad badeed. Xafiiska bad mareennada ee caalamka ayaa waxaa uu maraakiibta adduunka uga digay in ay ka fogaadaan xeebaha Soomaaliya weerarrada halkaasi ka dhaca awgood.

Xafiiskaasi ayaa waxaa uu diiwaan geliyay 37 dhacdo oo maraakiib lagu weeraray tan iyo bartamihii bishii March ee sanadkii la soo dhaafay.


Source: BBC
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar