|
||
OGADENNEWS |
||
halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read
riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa? 10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka Eng:Ahmed Mukhtar Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi |
Camr Musa, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Dowladda Mareykanka ayaa soo dhoweysay heshiiska dhex maray Dowladda Soomaaliyeed ee ku meel gaarka ah iyo Midowga Maxkamadaha Shareecada oo gacanta ku dhigay caasimadda Soomaaliya iyo gobollada qaarkood. Jendayi Frazer, oo ah ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka xagga Afrika, oo BBC-du wareysatay ayaa heshiiska ku tilmaantay tallaabo loo qaaday jihada qumman. Waxay beenisay in Mareykanku uu cadaawad u qabo Midowga Maxkamadaha Shareecada. Jendayi Frazer waxay sheegtay in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo koox kasta oo Soomaaliyeed oo dooneysa in ay la dagaallanto argagixisada, kana abuuryo geeska Afrika xasillooni. Heshiiska waxaa soo qaban qaabisay Jaamacadda Carabta. Heshiiska ay dowladda iyo Maxkamaduhu ku gaareen magaalada Khartoum, ayaa waxaa uu soo dhoweyn weyn ka helay gobollada Soomaaliya iyo weliba Soomaalida dibadda, inkasta oo ay dad badani weli su'aalo ka qabaan nuxurka waxa lagu heshiiyay. Afyare Cabdi Cilmi oo ka mid ah aqoonyahanno ka qeyb galay dood ay BBC-du qabaty ayaa waxaa uu yiri waxa lagu heshiiyay waa keliya in la wada hadlo. Si kastab ha ahaatee, weriyayaal ayaa u arka in heshiiskani yahay mid meesha ka saaray baqdintii laga qabay in ay isku dhacaan malliishiyada Maxkamadaha iyo kuwa dowladdu, taas oo ay saadaaliyeen diplomaasiyiin shisheeye.
Source:BBC Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi. by:Abdullahi Mohamed |
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||