OGADEN NEWS


KOOXDA ONLF OO U SOO JEEDISAY HANDADAAD QAAR KA MID QORAYAASHA OGADENNEWS.COM

22/05/05, waxaan la socodsiinaynaa akhristayaasha sharafta leh ee ogadennews.com ee nabada jecel in ay kooxda onlf ay u soo jeediyeen handadaad qaar ka mid ah qorayaasha ogadennews.com iyaga oo ka xanaaqsan warqadii dacwada aheyd ee uu soo dirsaday MR: Riish omar olad oo ay kooxda onlf u gaysatay dhaawac ay naftiisa khatar ku jirto isla markaasina gubeen baabuurkii uu caruurtiisa oogu shaqeysanayay.

wiigii la soo dhaafay ayay 3 nin oo ka mid ah onlf goloheeda sare degena london ayaa waxay shir ku qabteen London waxayna shirkaa oogu yeedheen odayaal gaadhaya 10 oo u dhashay gobolka ogaden. waxayna odayaashii ku dhaheen waxaan idiinku yeedhnay in warqada dacwada iyo sawiradaanada laga saaro internetka si deg deg ah hadii kale waxaan qaadi doonaa talaabo deg deg ah oo aan wax ku yeelayno qaar ka mid ah qorayaasha ogadennews.com.

waxayna arintaa u sareen gudi wax ka qabta oo ay ka soo dhex saareen odayaashii si looga saaro dacwada iyo sawiradooda. waxaan la socodsiineynaa dadweynaha sharafta leh ee akhrista ogadennews.com in ay ogadennews.com ay tahay media madaxbanaan xorna ka tahay ururo siyaasadeed iyo shaqsiyaas gaar ah websitkan waxay wax ka qortaa wararka iyo dhibaatooyinka soo gaadha bulshada degta gobolka ogadenya sida websityada kale ee soomaliyeed.

waxaa warqadan dacwada ah soo dirsaday ama soo diyaarsaday riish omar olad oo ay dhibaato ka soo gaadhay kooxda onlf waxuuna dacwadiisa ku soo saxiixay suulkiisa isaga ayaana dabo taagan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada loo geystay websitka ogadennews.com shaqo kuma laha dacwada ka saarida dacwada waa in lagala xidhiidhaa ninkii danbiga laga galay isaga ayaana nasiin kara amar in aan ka saarno dacwadiisa iyo in aan u deyno.

dhinaca kale ee handadaada ay kooxda onlf na soo handadeen waxaan u qaadanay si kulul waxaanan wargelinay hey'adaha amniga wadanka ingiriiska waxaanan u gudbinay dadka ka danbeeya handadaadan magacyadooda iyaga ayaana wax ka qaban doona wayna nala soo xidhiidhi doonaan sida ay naga balan qaadeen.

waxaa arin lala yaabo ah kana fog in ay aqbasho maskaxda caadiga ah urur ayaan ka mid ahaan dadkiina waan leyn waxaan rabana waan qasi leygamana hadli karo waxna leygama qori karo waa arin aan aduunyada horey ooga dhicin marka anaga hadii aan nahay indhihii umada ogadenya ama aqoonyahanadii waan ka diidnay midaas kooxda onlf.

hadii ay rabaan in laga saaro magacyadooda iyo sawiradooda ha u soo gudbiyaan maamulka ogadennews.com warqado ay ku cadeynayaan in ka baxeen ururka onlf. waxaan balanqaadeynaa in aan la xidhiidhno ninkii dacwadan soo gudbistay lana socodsiineynaa in aan ka saareyno waxii iska casila kooxdan hadii kale dhibka iyo dilka ururkiina ayaa geystaye u adkeysta dadka aad waxyeeleyseen in ay xaqooda raadsadaan wado kastana ay umaraaan ay ku aargoosanayaan!!!

peace to our people of ogadenya


Maamulka Ogadennews.Com


ogadennews1@hotmail.com