SOMALI LINKS
|
Sarkaal dowladda ka tirsanaa oo la dilay
4/10/08,
BBC Mogadishu
Baydhabo waxa ay xaruun u tahay baarlamaanka Somalia
Taliyihii ciidamada nabadsugida ee dowladda KMG ah ee magaalada Baydhabo Ibrahim Sheekh Xasan Kuweyd ayaa saaka lagu dilay magaalada Baydhabo.
Warbixinta Baydhabo
Sida wararku sheegayaan laba nin oo dabley ah ayaa toogtay taliyaha oo ku sugnaa xilligaasi suuqa sarifka ee magaalada Baydhaba.
Sida ay BBC u sheegeen dad goob joogayaal ah, Taliyaha ayaa xilliga la dableydu rasaasta ku rideen wadan wax illaalo ah, iyadoo booliiska dowladda
KMG ah ay yimaadeen goobta waxyar kadib oo ay baaritaan ka bilaabeen halkaasi.
Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxa xalay ka dhacay dhawr madfac oo lagu riday agagaarka guriga gudoomiyaha baarlamaanka waxaana ku dhaawacmay
dad rayid ah sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka.
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|