OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Magaalo laba cadow leh ee keebay la daristaa?
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

Madaxweynaha Liberia oo dowlad dhistay

17/01/06, Madaxweynaha Liberiya Ellen Johnson-Sirleaf madaxwaynaha Liberia Ellen Johnson -Sirleaf ayaa magacawday wasiiradii ugu horeeyay ee dawladeedda ka mid noqonayay. waxaana ka mid ah haweenay ay hore uga wada shaqayn jireen baanka aduunka oo ay u magacawday inuu qabto jagada muhiimka ah ee ah wasiirka maaliyada.wasiirka waxbarashadana waxaa ay u magacawday nin isaguna kula loolamayay doorashooyinkii madaxwaynenimada.

Ellen John Sirleaf waa dhaqaaleyahanad , sannooyinkii ay dalka dibadiisa masaafuriska siyaasadeed kaga maqneyd ka soo shaqeysey hay'adaha IMF iyo Baanka aduunka. Haatan waxay golaheeda cusubku soo dartey haweeyneyda ay horey u soo wada shaqeyn jireen lana yiraahdo Antoinette Sayeh oo noqoneysa wasiirka maaliyadda.

Wakiilada hay'adaha caalamiga ee qaabilsan dhinaca maaliyadda ayaa si aad ah u soo dhoweeyey magacaabistan. Wakiilka Banka addunka ee Monrovia Mats Karlson ayaa sheegtey in Mrs Sayeh ay tahay dhaqaaleyahanad weyn si wanaagsanna uga soo bixi karta xilka loo magacaabey, iyadoo isla mar ahaantaan fahamsan hawlaha caalamiga ah ee dhianaca maaliyadda.

Khudbadii ay jeedisey munaasabadii dhaarta madaxweyne Johnson Sirleaf waxay balan qaadey inay baabi'in doonto musuqmaasuqa, isla markaana ay u horseedi doonto Liberia barnaamij dhaqaale oo tayo leh.

Isla khudbadaasi Mrs Sirleaf waxay ku boorisey kuwii ay siyaasadda isaga soo horjeedeen inay kala shaqeeyaan horumarinta dalka.

Mid ka mid siyaasiyiintaasi lana yiraahdo Joseph Korto ayayna u magacawdey wasiirka waxbarashada. Golahan cusub ee wasirada waxaa kale oo ka mid ah Kofi Woods oo noqonaya wasiirka shaqada, Willis Knuckle oo noqonaya wasiirka hawlaha guud. Wasiirada arrimaha dibeda iyo arrimaha gudahaa ayaa la filayaa in dhowaan la magacaabo


Source: bbc
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar