SOMALI LINKS
|
Maxkamadaha Islaamka oo qabsaday Magaalada Kismaayo
25/9/06,
Isniin, September 25, 2006(HOL): Ciidamo aad u tiro badan oo ku hubeysan gaadiidka Dagaalka, isla markaana ka amar qaata
Maxkamadaha Islaamka ayaa saakay ku waabariistay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal heyn ku saabsan in Maxkamadaha Islaamka ay qorsheynayaan in ay qabsadaan
magaalada Dekedda leh ee Kismaayo, waxaana qabsashada Magaalada ee Maxkamadaha Islaamka fududeeyay xubno ka
tirsanaa Isbaheysigii Dooxadaha Jubba oo Maxkamadaha gacan saar la sameystay.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahaana Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Aadan
Shire Hiiraale iyo ciidamo uu wato ayaa habeenkii xalay ahaa isaga baxay magaalada Kismaayo, iyadoo aan ilaa iyo haatan
la ogeyn halka ay qabteen Barre iyo Ciidamadiisa.
Saakay markii waagu baryay ayay dadka Magaalada Kismaayo ka war heleen iyadoo ay magaalada kula sugan yihiin ciidamada
Maxkamadaha, kadibna waxaa dadweyne isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xoriyadda la hadlay Culumaa’udiin ka tirsan
Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo u sheegay in ay soo gaarsiiyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Wariyaheena Magaalada Kismaayo Sahra Cabdi Axmed ayaa soo sheegtay in dadku ay si weyn u soo dhaweeyeen tegitaanka
Maxkamadaha Islaamka ee Magaalada Kismaayo, iyadoo intaas ku dartay in aysan weli magaalada soo gaarin mas’uuliyiin
sare oo ka tirsan Maxkamadaha sida Shiikh Xasan Turki oo la sheegay in uu ku sugan yahay deegaano ka tirsan Gobollada
Jubbooyinka.
Haddaba waxaa la isweydiin karaa sababta ay maxkamadaha Islaamka u aadeen magaalada Kismaayo oo Muqdisho u jirta 500km,
iyagoo aan waxba ka qaban Gobolka Shabeelaha Hoose, Su’aashaas waxay BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga weydiisay
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo haatan ku sugan Magaalada
Dooxa ee Dalka Qadar, wuxuuna Shiikhu sheegay in sababtaas ay tahay iyadoo Magaalada Kismaayo ay qatar ka
soo fool lahayd, taasi oo ahayd in la doonayay in Ciidamo ka socda Dalalka IGAD laga soo dejiyo Dekedda iyo
Garoonka Kismaayo.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in aysan Maxkamadaha Islaamka qabsan Magaalada Kismaayo balse sida uu yiri dad ka
soo jeeda deegaanadaas ay ka codsadeen in ay tagaan, wuxuuna caddeeyay in ay tegayaan meel kasta oo looga yeero.
Si kastaba arrintu ahaatee Reer Kismaayo tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii hore waxay galeen
xukunka gacantii seddexaad oo qabsata, waxaana horay halkaas u joogay horaantii sagaashamaadkii maamul uu
madax u ahaa Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ay Ishabeysigii Dooxada Jubba xoog uga kacsadeen Magaalada
Kismaayo, halka haatanna ay Magaaladaas si qabow gacanta ugu gashay Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed oo
deegaanada ay ka taliyaan ay isugu xiran yihiin min Kismaayo ilaa Gaalkacyo.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|