SOMALI LINKS
|
Barre Hiiraale oo ka baxay Kismaayo
25/9/06,
Barre Hiiraale, ayaa maanta ka baxay magaalada Kismaayo isaga oo horkacaya malliishiyadiisa.
Arrintani waxay ka dambeysay markii ay malliishiyada Maxkamadaha Shareecadu ay qabsadeen magaalada Jilib iyada oo aan
wax dagaal ahi ka dhicin.
Jilib waxaa ka talinayay Isbahaysiga Dooxada Jubba wixii hadda ka horreeyay.
Barre Hiiraale oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Dooxada Jubba, ayaa sheegay in Maxkamaduhu ay duullaan ku yihiin Kismaayo,
uuna la dagaallami doono iskana daafici doono.
Laakiin Yusuf Seeraar oo ah ku xigeenka Guddoomiyaha Dooxada Jubba, ayaa sheegay in isbahaysigu burburay, isla markaana
aan isaga iyo malliishiyadiisu la dagaallami doonin Maxkamadaha.
Kala qeybsanaanta soo dhex gashay hoggaanka sare ee isbahaysiga iyo qabasashada Maxkamadaha ee Jilib, ayaa maanta
waxaa ku xigay in Barre Hiiraale, uu ka baxo magaalada Kismaayo.
Ma cadda sababta iyo jihada uu Barre Hiiraale uga baxay magaalada.
Barre Hiiraale waa Wasiirka Difaaca ee dowladda Soomaaliya, inkasta oo xaruntiisu ay ahayd Kismaayo tan iyo 1998.
Isbahaysiga Dooxada Jubba ee uu Barre Hiiraale Guddoomiyaha u yahay waxaa uu Kismaayo ka qabsaday general Morgan
sannadkii 1998.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|