|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| somalia oo noqotay kililka 6aad ee ethiopia!!!2) in shacabka somaliyeed ay kacdoon sameeyaan kana soo horjeedsadaan joogitaanka ciidamada gumeysiga ethiopia halkaas oo ay ka dhalan karto kacdoon dagaal. 3)in ay dawlada ethiopia iyo dawlada kumaal gaadhaka ah ee warlord dagaal oogae cabdullahi yusuf isku dhacaan oo kayimaada in lagu heshiin waayo danaha gaarka ah ee ay ethiopia ka leedahay somalia 4)isbadal iyo kacdoon ka dhasha shacabka ethiopia oo keena in dawlada meles zenawina xukunka laga tuuro SIDEE AYUU U SAAMAYN KARAA SHACABKA OGADENYA QABSASHADA SOMALIA IYO IS BALAADHINTA ETHIOPIA Ilama ahan in ay xaalada shacabka ogadenya ay wax iska badalayaan waayo shacabka ogadenya mudo ka badan 100 sano ayuu ku jiray gumeysiga ethiopia hadana waxaa ku soo darsantay somalidii xorta aheyd waxayna somalia noqotay kililka lixaad ee ethiopia marka qabridahare iyo mugadishu waa isku mustaqbal maanta. ethiopia waxay waligeed hanka u taageysay sidii ay gacanta oogu dhigi laheyd xeebaha iyo dekadaha somalia taasina waxaa u sahlay maxaakiinta iyo cabdullahi yusuf. sababta aan u leeyahay maxaakaminta iyaga ayaa u sahlay in ay ethiopia qabsato somalia macnaheedu waa waxay u sahleen marmarsiinyadii ay ku gali laheyd somalia markii ay maxaakamiinta ku hanjabeen jihaad iyo in ay qabsanayaan Adisababa. maxaakamiinta iyaga oo aan haysanin awood ciidan iyo mid dhaqaale toona koonfutana haystay 6 bilood kaliya ayay ku dhawaaqeen jidaah iyo dagaal in ay ku qaadayaan ethiopia waxay maxaakaminta soo aruuriyeen dhalinyaro farabadan oo tababar dagaal laheyn hub fududna siiyeen markaas ayay furinta ku daadiyeen. gumaysiga ethiopia waxay isticmaashay hubkii oogu danbeeyay oo uu mareykanku siiyay iyo helikobtarka dagaal halkaas oo ay maxaakamiinta dad badan ooga dhinteen khasaare weyn ayaa ciidamada gumysiga iyagana soo gaadhay. maxaakamiinta oo aan qorshe istraatiiji ama khibrad dagaal laheyn ayaan markii uu dagaalku ka bilawday agagaarka baydhabo laba maalmood gudahood ayaa waxaa ciidankii maxaakamiinta ka go'ay saadkii iyo rasaastii isla markiiba dagaalkii oo socda ayaa beesha habargidir ay dagaalkii ka baxday ciidankii dagaalka ku dhamaaday waxay u badnaayeen beesha ogaden iyo beesha mareexaan is kastaba waxaa cadaatay in maxaakamiinta la kala furfuray oo qaar ku dhax jiray in aysan daacad aheyn kana shaqeeyeen sidii loo burburin lahaa awooda maxaakamiinta iyada oo loo adeegsaday kaabo qabiilada oo uu cabdullahi yusuf iyo geedi ay adeegsadeen. WAA KUWAMA CABDULLAHI YUSUF IYO GEEDI Abdullahi yusuf waxuu ka mid ahaa madaxdii dawladii somaliya cabdullahi yusuf waa shaqsigii somaliyeed ee oogu horeeyay ee intuu xabashi u galo weerarna ku soo qaado dawladii somaliya waxuuna ka mid yahay dagaal oogayaashii ka qeyb qaatay dilkii shacabka soomaliyeed oo lagu qiyaaso in ay dileen dad ka badan 400,000 oo ruux waxuu isagu aad oogu sii caan baxay ka qeyb qaadashadii wadaadadii uu ku laayay gobolada bari markii uu ka talinaya. cabdullahi yusuf xidhiidh dheer ayuu la leeyahay cadowga ethiopia waxuuna balan ku qaaday in uu somaliya gobol, gobol u iibiyo. cabdullahi yusuf iyo ethiopia waa cadowga koowaad ee shacabka iyo qaranimada somaliya waana i uu shacabku ka dhiidhiyaa calooshood u shaqeytayaasha dhulkooda iibsaday iyo gumeysiga ethiopia. waa kuma geedi geedi nin horey loo yaqaanay ma aahan oo siyaasada somaliya kuma uusan jirin xiliyadii hore laakiin waa nin shakhsiyad xun oo ay dawlada ethiopia wadato rabana in uu taariikh sameysto daacadna u ah geysiga ethiopia markii ay dawladii somaliya jirtay geedi aabihii waxuu baabuurka u awadi jiray meles zenawi oo qaxooti ku ahaa somaliya. kulamo ay yeesheen geedi iyo meles zenawi ayaa zenawi waxuu balan qaaday in uu ka dhigi doono madaxweynaha somaliya lagana takhalusi doono cabdulahi yusuf marka geedi ethiopia ayaa wadata waana nin fulinaya wax kasta oo ay ethiopia rabto. waxyaabaha uu geedi ka balan qaaday meles zenawi waxaa ka mid in ay hadii madaxweyne noqdo uu joojin doono sheegashada gobolka ogadenya. WAA MAXAY QORSHAHA AY ETHIOPIA KA LEEDAHAY SOMALIYA Qorshaha dheer ee ay ethiopia ka leedahay somaliya waa in ay u kala qeyb qeybiso gobolo yar yar oo iyada hoos yimaada mana rabto in ay aragto dawlad xoog leh. somaalidu maalin aan maanta aheyn ayay garan doonaan ethiopia waxa ay tahay ethiopia hadii ay qiimo leedahay waxay wax u tari laheyd dadkeeda gaajada la bakhniya. waxay gumeysanaysay goboka ogadenya mudo ka badan 100 sano maalintii ay yimadeen ilaa hadan wax isbadal ah oo ay ku soo kordhiyeen ma jiro. magaalooyinka wadooyin malahan isbitaalo iskuul malahan , shaqooyin malahan, horumar nololeed malahan. marka kuwa ethiopia soo horkacay ama ethiopia ukala dhuundhuumayay 16kii sano ee la soo dhaafay walee waxa aad ka dheefeysiin oo aan dhib aheyn iyo dib u dhac iyo sheegasho dhulkiina aan aheyn kama dheefeysaan. ethiopiyaan meel ay qasadaan oo ay ka baxaan horay looma araga, somalia taariikhdeedu waxay gashay xili madoow oo aan horay u soo marin waxaana burburay qaranimadii somaliya waxaana wadankii iibsaday kuwa wax magrato ah oo aan garnaynin qiimaha qaranimada iyo xoriyada ay soo hooyeen malaayiin somali ah oo naftooda u huray in ay dhulka soomaliyeed ka difaacaan dhul balaadhsiga cadawga ethiopia ay wadeen mudo ka badan 300 sano ee la soo dhaafay. somaaliya waxay noqotay kililka 6aad ee ethiopia. madaxweynihii hore ee somalia allaha u naxariistee jaalle maxamed siyaad bare hadii maanta loo sheegi lahaa in ay kismayo iyo muqdishu ay ethiopia ay ethiopia qasatay carada xabaasha ee kor saaran ayuu la soo kici lahaa....!!!!.
Source:BBC(London) Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||