|
 |
|
| Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Adan Maxamed Nuur |
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Madoobe, ayaa
sheegay inuu jiro mooshin ay xildhibaanno ka keeneen in laga hadlo is af
garad ku saabsan soohdinta badda oo ay dhowaan kala saxiixdeeen dowladaha
Soomaaliya iyo Kenya.
Is afgaradkaasi oo muran badan uu ka dhashay Soomaalida
gudaheeda, ayaa waxa uu sheegay inay doonayaan inay dood ka furaan
arrintaasi oo ay meel saaraan..
Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiis
ujeeddadiisu tahay in la sii kordhiyo soohdinta badda ee Soomaaliya, dad
arrintaa ka biya diiddanina ay ku tilmaameen in heshiisku u gogol xaarayo in
Soomaaliya lagala wareego qeybo ka mid ah soohdinteeda badda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan
Madoobe, waxaa sidoo kale uu ka hadlay xaaladdaha kale ee dalka ka taagan oo
uu sheegay inay doonayaan inay ka |