OGADENNEWS
 

dhul gariir ka dhacay afrikada bari

5/12/05,
dhulgariir aad u xoogbadan ayaa waxuu maanta ku dhuftay wadanka bariga Democratic Republic of Congo halkaas oo u dhaw harta Tanganyika. mid u shaqeeya ha'daha caawimaada ayaa waxuu sheegay in guryo dumay ay wali ku hoos jiraan ciyaal meel u jirta 55km koonfurta-bari ee Kalemie, ee DR Congo.

dhul gariirka waxaa laga dareemay wadamada kala ah Tanzania, Burundi , Rwanda, Kenya, iyo badweynta india boqolaal qof ayaa naftooda la cararay magaalada nairobi ee wadanka kenya qariirku waxaa lagu cabiray in uu gaadhayay 6.8 magnitude 1219GMT, waxaa sidaas sheegay US Geological Survey qaruxu waxuu ilaa iyo 13km (8 miles) dhulka hoostiisa ilaa iyo 975 km ayuu soo gaadhay koonfurta nairobi in mudo dheer afrika kama dhicin dhul gariir khasaare weyn ayaa soo gaadhay meelihii uu dhul gariirku soo gaadhay guryo badana way dumeen oo ilaa hada dad ayaa ku hoos jira dad badan oo dhaawacmeyna cisbitaalka ayaa loo qaaday dadkii degenaa Kinshasa ayaa waxay sheegeen in dad badan halkaa ku dhintay laakiin wali lama oga inta ruux ee ku dhimatay dhul gariirka.

dhul gariirkan ayaa waxaa laga dareemay ilaa iyo lix wadan waxuuna gariirku socday ilaa iyo 15 second dadku way yaacayeen iyaga oo cansanaya waayo maysan garaneynin waxa dhacay ayuu yidhi nin ka mid ahaa dadkii qaraxu ku dhacay.


Source: BBC
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



 
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar