WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dad somaaliyeed oo gubay calanka Ethiopia

26/02/07, Ciidamada Ethiopia waxay baaritaanno ka sameeyeen degaannada ku dhow-dhow wasaaraddii hore ee gaashaandhigga Dadku waxay ku doodayaan in ciidammada Ethiopia oo goobtaas baaritaan ka sameynayay ay iyagu halkaa sureen calankooda, hase yeeshee afhayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa beeniyay in calanka ay sureen ciidammada Ethiopia. Afhayeenku waxa uu ku tilmaamay in ay ka dambeeyeen dad doonaya in ay shacabka kiciyaan.

Ciidammada Ethiopia oo ku sugnaa goobta calankooda lagu gubayay, wax jawaab ah kama aanay bixin. Baaritaan Ciidamada Ethiopia ee saldhiggoodu yahay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga ayaa xalay iyo saakaba baaritaanno ka waday degaanka ku dhow wasaaraddaasi ee Shiirkole ofishaale iyo dhabarka dambe ee wasaaraddaasi, iyagoo baarayey guryaha iyo gaadiidka maraya degaankaasi.

Calanka Ethiopia oo la arkay isagoo ka suran degaankaasi Shiirkole ee ciidamada Ethiopia ay baaritaanka ka wadeen ayaa waxaa ku qamaamay dadweyne aad u badan, kuwaasoo gubay calankaasi.

Aragtida goobjoogeyaasha

Goobjoogeyaal ku sugnaa degaankaasi ayaa sheegay in calankaasi Ethiopia laga suray dhowr goobood oo ay ku jirto wasaaraddii hore ee gaashaandhigga, isla markaana ay ka dambeeyeen ciidamada Ethiopia, hase yeeshee waxaa taasi beeniyey afhayeen u hadlay dowladda KMG ah oo qiray in calankaasi la suray meesha, hase yeeshee ay sureen dad uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay fidno ka dhex abuuraan shacabka iyo dowladda KMG ah.

Agagaarka wasaaraddii hore ee gaashaandhigga ayaa waxaa dhowaan ka dhacay dagaal xooggan oo dhex maray ciidamada Ethiopia ee halkaasi ku sugan iyo kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday, wuxuuna ahaa dagaalkii labaad ee fool-ka-fool loogala horyimaado ciidamada Ethiopia, wuxuuna dagaalkaasi sababay dhimashada ilaa 11 qof inta la ogyahay, iyadoo 15 kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ciidamada Ethiopia ay madaafiic ku garaaceen dhowr goobood oo magaalada Muqdisho ka tirsan.


Source:BBC(London)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar