SOMALI LINKS
|
Wadahadalada DJibouti ee maxkamadaha iyo dawlada ku meel gaarka ah
18/01/09
Hotelka Kampeski ee Djibouti
Qoraal ay wadajir u soo saareen ergooyinka dowladda ku meelgaarka ah iyo isbahaysiga dib u xoraynta
dalka oo ku shirayay magaalada Jabuuti, ayay iskula garteen in si wadajir ah loo doorto madaxwaynaha
kadib marka la kordhiyo xubnaha baarlamaanka oo lagu soo daro 275-ta xubnood ee isbahaysiga
mucaaradka.
Weriyaha BBC-da ee ku sugan dalka Djibouti, Yuusuf Xassan, ayaa u sheegay Maxamed Maxamuud
Cadde in jawi is afgarad ah uu ka muuqday goobta shirka.
Waraysiga
Isbahaysiga mucaaradka, ayaa iyaguna isku raacay si gooni ah in ay xubnaha baarlamaanka ee qaybta
ay u heleen ay ku soo xulaan nidaamka loo bixiyay 4.5 ee dowladda ku meelgaarka ah oo horay loogu
dhisay.
Waxay kaloo labada dhinac qoraalka ku cadeeyeen in ay isku afgarteen in doorashada madaxwaynaha
ay ka dhacdo magaalada Djibouti oo xubnaha baarlamaanku ay halkaas isugu tagaan.
Ergooyin qaar uu la hadlay weriyaha, ayaa soo dhoweeyay ciidamada Qaramada Midoobay ee mabda'
ahaan la isku afgartay in la geeyo Soomaaliya.
ogadennews1@hotmail.com

|
SOMALI MAQAAL
|