WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Mareykanka oo qirtay in Somalia duqeeyeen

Diyaaradaha Mareykanku waxay hadda ka hor duqeeyeen koonfurta Somalia Afhayeenka xarruunta gaashaandhiga Mareykanka Pentagon, Bryan Whitman ayaa qiray in Mareykanku weeraray bartilmaameed ku taalla Somalia, oo uu ku tilmaamay inay tahay argagaxiso ka tirsan Al-qaacida.

Duqeynta Dhoobley

Wararka ka imanaya waddanka Somalia ayaa sheegaya in diyaarado ay duqeeyeen magaalada dhinaca koonfureed ku taal ee Dhoobley oo u dhaw xuduuda Somalia ay la wadaagto Kenya.

Guddoomiyaha degmadaasi Dhobley Ali Hussein ayaa BBC u sheegay in in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen weerar waxa uu ku sheegay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay ku qaadeen magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in dadku ay ka qaxayaan magaalada Dhoobley. Ciidamada Mareykanka ee saldhiga ku leh waddanka deriska ah ee Djibouti ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkan.

Waxaa jiray warar sheegaya in kooxaha islaamiyiinta ee la dagaalamaya dowladda Somalia ay dib isugu qabanqaabinayeen meel u dhaw Dhoobleey dhawrkii toddobaad ee u danbeeyay.


Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar