SOMALI LINKS
|
Zenawi: "Askar ayaan u direy Soomaaliya"
19/10/06,
Waxa kale uu Zenawi eedeymo u tiriyey dalka Eritrea iyo kooxo isaga kaga kacsan Ethiopia gudaheeda
Mr Zenawi oo hadalkan ku sheegey khudbad uu ka jeediyey baarlamanka dalka Ethiopia, ayaa cadeeyey in askarta uu
Soomaaliya gudaheeda u direy ay yihiin kuwa caawinaya dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahey magaalada Baydhaba.
Meles Zenawi ma sheegin tirada ciidamada uu u direy dalka Soomaaliya, laakiin waxa uu ku adkeystey in tallabadani ay
tahey mid looga golleeyahey sidii dowladda Federaalka ee Soomaaliya looga taageeri lahaa iney Soomaaliya u sameyso hab
dowli ah.
Waxa Zenawi ku sheegey in askarta uu Soomaaliya u direy ay yihiin kuwa ku siman tababarayaal, oo Soomaaliya aysan joogin
ciidan kale ooy Ethiopia leedahay.
Hasa ahaatee, waxa bilihii dambe gobolada kala gedisan ee Soomaaliya iyo xataa saraakiil ka tirsan QM ka soo baxayey warar
sheegaya in ciidamo Ethiopian ah lagu arkey gobolada iyo magaalooyinka qaarkood.
Hadal-heynta ciidamada Ethiopia waxa ay bilaabmatey markii Maxaakiinta islaamku ay qabsadeen Muqdisho ooy ku sii fideen
gobolda koonfureed.
Ku dhawaaqista Jihaadka
Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa iyaguna ku dhawaaqey iney jihaad ku qaadayaan Ethiopia haddii ay gudaha dalka Soomaaliya
soo galaan, laakiin ilaa imnika lama sheegin wax dagaallo ah oo labada dhinac dhexmarey.
Meles Zenawi waxa uu sheegey in hanjabaadda ku saabsan dagaal jihaad ah oo lagu qaado ciidamada Ethiopia iyo dhinaca
kale warar sheegaya ayuu yiri in maleeshiyooyin taageeraya Maxaakiinta Islaamka ay soo galeen xuduudda dhinaca Ethiopia
waxa ay keeni kartaa dagaal; haddii arintaas si nabad ah aan loo xalin.
Waxa uu yiri Zenawi, waxa aan xaq u leenahey in qaranimadayada aan ka difaacno dadka noocaasi ah. Ilaa iminka dulqaad
ayaan xaalka ku wadeney ayuu yiri Zenawi, laakiin haddii ay sii socoto waxa imaan karta jawaabta qura een bixin karno iney
tahey mid gacan ka hadal ah.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|