SOMALI LINKS
|
Askari Itoobiyaan ah oo lagu dilay Suuqa Sarifka Lacagta ee Magaalada Baydhabo
Arbaco, February 20, 2008 Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa maanta waxay Askari Itoobiyaan ah ku dileen Suuqa Sarifka Magaalada Baydhabo,
iyadoo
kadibna ay baxsadeen raggii dilka Askarigaas geystay.
Dilkaas kadib ayaa rasaas ay fureen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo gaaray goobta dilka ka dhacay waxaa ku geeriyootay Haweeney magaceeda
lagu soo hoobay Seynab oo Suuqaas mehrad ganacsi ku heysatay.
Ciidamada ayaa goobtii Askariga lagu dilay waxay ka qabqabteen dad dhowr ah oo ay uga shakiyeen in ay wax ka ogaayeen dilka Askariga, inkastoo
ay jireen dad goobta isaga cararay intii aysan soo gaarin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka oo iyagu baaritaano ka sameeyay halkii dilka
ka dhacay.
Waa Askarigii labaad oo maalin cad lagu toogto Suuqa Magaalada Baydhabo, dhawaan ayayna ahayd markii sidoo kale Askari Itoobiyaan ah ay Rag
Bastoolado ku hubeysan toogteen gudaha Magaalada Baydhabo, weliba Suuq uu wax ka iibsanayay.
Lama oga cid ka dambeysay dilka Askarigan, hayeeshee wuxuu dilkiisa ku soo beegmayaa iyadoo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka tirsan
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu dhawaan sheegay in dilalka ka dhaca magaalada Baydhabo ee loo geysto Askarta Itoobiya ay iyagu ka dambeeyaan.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Dilka Askarigan ayaa wuxuu dhacayaa iyadoo ay Magaalada Baydhabo ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo
Itoobiyaan ah oo la sheego in ay halkaas u joogaan sugidda ammaanka Mas'uuliyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka oo weli halkaas si KMG ah u
degan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|