Afeef: Maqaalada,baaqyada iyo Wareegtooyinka waxay gaar u tahay cida soo dirtay ama soo codsatay in loo daabaco sidaas daraadeen wixii su'aal ah iyaga kala xidhiidha. OGADENNEWS shaqo kuma laha wixii ku qoran halkan.

OGADEN NEWS
ogaden famine ogadenwar ogaden disasater region qabridahar

about us

education


DAWLADA SACUUDIGA OO IS KA INDHO TIRAYSA
KACDOONKA SHICIBKA SACUUDIGA :

14/01/05, Waxaa waqtiyadan danbe aad u soo dabanayay qaraxyo is daba joog oo ka dhacayay magaalooyinka oogu waaweyn wadanka sacuudiga carebiya qaraxyadii oogu danbeeyay oo ay ka dhaceen magaalooyinka riyadh iyo jeddah iyo kuwa kaleba qaraxyadaan oo ay wadeen ururo kala duwan oo ka soo horjeeda boqortooyada sacuudi-careebiya.

bishii desember sanadkii la soo dhaafay 2004 ayaa waxaa qarax weyn uu ka dhacay qunsiliyada mareykanku uu ku leeyahay wadanka sacuudi careebiya magaalada jeddah halkaas oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 5 qof qaar badana ay ku dhaawacmeen waxaa iyagana qaar halkaa looga dilay kuwii weerarka soo qaaday qaar kalena way baxsadeen, waxaa isla 2004 bishii december 30 keedii qarax weyn loo geystay xafiisyada dawlada ee ku yaala riyadh halkaas oo ay qaase laxaad leh ka soo gaadhay dawlada sacuudiga waxaa kale oo sanadkan cusub 2005 bishii janeury bilawgeedii qarax balaadhan loo gaystay meel saliida petrolka lagu sifeeyo halkaas oo ay dad badani ku dhaawacmeen. waxaa kale oo jira qaraxyo kale oo is daba joog ah oo ka dhaca magaalooyinka yar yarka ah laakiin laga qariyo warbaahinta aduunyada.

sida aan lawada socono wadanka sucuudiga waxaa in ka badan 70 sano ka talinayay qoyska ala-sacuud oo ku caan baxay qof kasta oo ka soo horjeesta in qoorta looga gooyo seef iyada oo aan la hor keenin maxkamad waana wadanka oogu cadaalad xukun xaga xuquuqul insaanka dimuquraadiyaduna ay aad ooga fog tahay.

waxaana soo batay dadka taageersan fikarada bin-ladin ee ah in ay boqortooyada sacuudigu tahay agent ama wakiil u fadhiya dawlada mareykanka loona baahan yahay in laga qaado xukunka wadanka iyada oo la is ticmaalayo waji kasta oo lagu dagaalamo waxaadna moodaa in ay dad badan fikradaa ay dhagaha u raariciyeen waxay kale oo ay dawlada sacuudigu mamnuucday qudbadaha saalada jamcada in looga hadlo jihaad ama dawladaha reer galbeedka gaar ahaan dawlada mareykanka waxay kale oo ay amreen in la xidho macadyada lagu barto diinta iyaga oo ku eedeynaya in ay abuurayaan kuwo badan oo bin-ladin la mid ah arintaa oo ay dad badan aad ooga xanaajisay waxuuna amarkaa ka yimid ciidamada dharcada ee mareykanka (CIA) dawlada sacuudiguna amarkaa way fulisay bal weynu dhawri doonaa halka ayku danbeyso

dadka reer sacuudi oo lagu yaqaanay in ay boqortooyadooda ka danbeeyaan ayaa waxaa waqtiyadan danbe soo kordhayay in laga soo horjeesto maamulkooda, hadaba waxaa is weydiin leh maxaa kalifay in ay dad reer sacuudi ay ka aamin baxaan kana soo horjeestaan boqortooyada sacuudiga dadka wax indha indheeya waxay aaminsanyihiin in kacdoonkaan uu sababay dhawr arimood oo aan hoos ku soo dheegi doono.

1) wadanka sacuudiga oo ay shaqo la'aantii cirka isku shadheedhay
2)dhaqaalihii wadanka oo hoos u dhacay
3)joogintaanka ciidamada mareykanka dhulka barakeysan oo sii badanaya
4)xukunka boqortooyada oo laga aamin baxay
5)cadaalad xumo iyo musuqmaasuq ku soo badana qoyska reer sacuudi
6)dadka oo raba is badal siyaasadeed oo ku saleysan dimuquraadiyad

kacdoonka shicibka dhexdiisa ayaa in mudo ahba daboolka la saarayay oo laga ilaalinayay in warbaahinta aduunyada ogaato laakiin taasi hada faraha ayay ka baxday waayo waxaa wax loo geystay saldhigyadii reer galbeedka ay ku lahaayeen dhulka sacuudiga. laakiin dawlada sacuudigu sidii ay ku caan baxday way iska indho tireysaa kacdoonka shicibka sacuudiga oo qaatir ka istaagay maamul iyo cadaalad xukumada ka jirta dhulkooda.

waxay dawladu sacuudigu dhoofisay sanadkii 2004 saliid gaadheysa $110 billion lacagtaa faraha badan waxaa lala yaaban yahay meesha ay aaday waayo wadankii waxaa ku sii badanaya shaqo la'aantii waxbarasho la'aantii iyo caafimaad xumo waxay dadka qaarkii ay aaminsanyihiin in lacagtaa lagu kharash gareeyay ciidamada mareykanka ee jooga sacuudiga iyo kuwa dagaalka ooga jira wadanka ciraaq. iyo lacagaha qaarkood oo la lunsaday maamul xumo awgeed iyo gasar dhisasho iyo in fasaxyo loogu tumasho tago wadamada reer galbeedka

arimahaa aan kor ku soo sheegnay ayaa waxay kalifeen in uu kacdoon ka dhesho wadanka gudihiisa kacdoonkaa oo looga soo horjeedo xukuumada boqortooyada sacuudiga waxaana soo badanaya ururo mucaarad ah oo ka soo horjeeda jiritaanka boqortooyada sacuudiga. si kastaba xaaladu ha ahaatee waxaa xaqiiq ah waqtigii aan anigu joogay joogay wadanka sacuudiga dhamaadkii 1980's ee ay dhaqalaaha iyo shaqada wadanka ay cirkaa mareyeen iyo maanta in uu faraq weyn u dhaxeeyo dadka sacuudiga oo waqtigaa ka faani jiray shqooyinka dhismaha iyo tagsilayaalka ayaa maanta waxay saf oogu jiraan in ay shaqo dhismo ka shaqeeyaan si ay caruurtooda u masruuftaan.

shaqooyinka tagsiilahana waxayba bixiyaan laaluus si ay u helaan. marka waxaa xaqiiq ah in uu ka dhici doono qarax is badal siyaasadeed hadii ay sii wadaan kacdoonka shicibka dhexdiisa ah sida muuqatana boqortooyadu waxay cadaadis iyo gumaad badan u geysan sidii ay ku aamusiin laheyd kacdoonka shacabka. bal weynu dhawri doonaa hasha riman ee sacuudigu waxa ay dhali doonto dimuquraadiyad ama halaag iyo abaar.

qore: Eng:Ahmed Mukhtar