WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Kenya oo xoojisay sugida amaanka xadka iyaga iyo somalia u dhaxeeya

3/02/10, Kenya waxay xoojisay ammaanka soohdinta ay la leedahay Soomaaliya, ka dib markii uu soo baxay soo war sheegaya in dowladda Soomaaliya TFG ay damacsan tahay in ay weerar ku qaaddo kooxaha Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Lagera, Winston Murungi, ciidan hor leh ayaa la dhigay soohdinta kuwaas oo ilaalinaya meelaha laga cabsi qabo in laga soo galo Kenya.

Dowladda KMG-ka ah ee Soomaaliya, ayaa la filayaa in ay weerar ku qaaddo Shabaab iyo kooxaha kale ee Islaamiyiinta ee iyada ka soo horjeeda.

Mar kasta oo weerarro culculus ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, waxaa kordha tirada qaxootiga Soomaalida ee u tallaabaya Kenya.

Dalka Kenya iskuma fiicna Shabaab oo ka talisa gobollada Soomaaliya ee Kenya soohdinta la leh, waxayna Shabaab ku eedeysay Kenya in ay tababbareyso ciidan Soomaaliyeed oo qorshuhu yahay in ay weeraraan goobaha Shabaab ee gobollada Jubbooyinka ee Soomaaliya.

Source: AP

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar