|
||
OGADENNEWS |
||
| NEWSPAGE | Somalia: Afar wasiir oo kale ayaa is-casiley01/8/06, Is-casilaadda wasiiradan kale waxa ay dharbaaxo cusub ku tahey dowladda Mr Geeddi oo Axaddii (30kii July 06) si dirqi ah uga badbaadey codeyn loo qaadey in kalsoonida loogala noqdo. Waxa codka kalsoonida ee la qaadey dowladda Mr geeddi ay soo deg degtey, ka dib markii 18 xubnood oo ka mid ah dowladdiisu ay todobaadkii hore is-casileen. Mr Siciid Xasan Shire oo ka mid ah xubnaha is-casiley oo BBC-du wareysatey ayaa sheegey in sababta ay isku casileen ay tahey, in dowladda Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi ee Nairobi lagu soo siiyey kalsoonidu aysan qaban shaqadii kalsoonida loo siiyey. Waxa uu Mr Siciid Xasan Shire sheegey oo kale in hawlahaas dowladda laga sugayey ee ay ku guuldareysatey fulintooda ay ka mid yihiin wax ka qabato nabdda iyo xasilinta waddanka, dib-u-heshiisiinta oo qodobka ugu muhiimsan ah; oo ah wixii dowladdaba loo sii dhisey iyo arimo kale. Waxa uu Siciid Xasan Shire intaas raaciyey in weliba dowladdu ay qeybo ka mid ah dib-u-heshiisiinta ay iyadu caqabad ku noqotey. Wax qabad la'aanta dowladda Sidoo kale ayuu yiri Siciid Xasan Shire, maadaama ay shaqooyinkii iskugu urureen hal xafiis oo aysan jirin wax la qabto, waddankuna u baahanyahey in wax loo qabto ayaan go'aansaney in aan iska casilno. Mar Mr Shire la weydiiyey hawsha ma Ra'iisalwasaaraha kaliya ayaa laga sugayey mise wey idiin wada tiil? Waxa uu ku jawaabey, marka hore kulligood waa laga sugayaa, laakiin Ra'iisalwasaarha ay laga rabey inuu wasaaaradaha ka shaqeysiiyo, oo uu fursad u siiyo shaqadoodii, oo wixii qorshe u ah waxa ay qaban lahaayeen ay isla meel dhigaan. Laakiin Ra'iisalwsaaruhu ma damacsano qorshahaas, shaqooyinka yar ee wasiiradu iminka qabato xafiiskiisa umbaa lagu qabtaa.
Source:BBC Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
NEWSPAGE |
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||