OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Magaalo laba cadow leh ee keebay la daristaa?
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

laba is qarxiye ayaa maanta is qarxiyay dilayna 110 oo Iraqi ah

5/1/06, laba is qarxiye ayaa maanta is qarxiyay dilayna dad gaadhaya 110 ruux waxaana banbaanadaa ku dhaawacmay in ka badan 150 ruux qaraxaas oo ka dhacay laba magaalo oo ciraaq ah waana weerarkii oogu xumaa ee dhaca tan iyo doorashadii.

is qarxiyahii hore waxuu isku qarxiyay meel u dhaxaysa Imam Hussein shrine iyo Imam Abbas ee karbala waxaana halkaa ku dhimatay ugu yaraan 60 ruux waxaana ku dhaawacantay 80 ruux daqiiqado yar ayaa ninkii labaad isna is qarxiyay isaga oo jidhikiisa banbaanooyin ku soo xidhxidhay waxuuna isku qarxiyay meel lagu qorayay boliiska wadanka iraq ee Ramadi waxuuna halkaa ku dilay dad gaadhaya 50 ruux waxuuna ku dhaawacay ilaa iyo 70 ruux. waxaa kale oo iyagana banbaano wadada loo dhigay ku dhitay 5 ka mid ah ciidamada mareykanka ee jooga Baghdad waxaa kale oo caasimada lagu qarxiyay 3 baabuur oo banbaanooyin laga soo buuxiyay maalintii arbacada aheyd halkaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaaso 50 ruux 'waa fal xoolanimo ah' ayuu yidhi madaxweynaha iraq mr. Jalal Talabani kuwa aaminsan in qarxoodu uu iska horkeeni diimaha kala duwan ee iraq waxuuna dhaawici dimuquraadiyada iyo xasiloonida wuu khladanyahay ayuu yidhi.

kooxahan argagixasada madoow wada ma guuleysanayaan iyaga oo isku dayay in iska horkeenaan buuqna galiyaan dawlada ciraaq ee la dhisayo ayuu yidhi madaxweynahu. waxay wada hadalo u socdaan sunnida, shiicada iyo kurdishta sidii loo dhsi lahaa dawlad loo dhan yahay marka la soo daayo doorashooyinkii baarlamaanka ee desember. qaraxii isqarxiyaha ee ramadi waxuu dhacay saacadu markii ay aheyd 1055 (0755 GMT) is qarxiyaha ayaa waxuu isku dhex qarxiyay dad shaqada booliiska qoranayay oo gaadhayay 1000 ruux nin u hadlayay ciidamada mareykanka mr. Capt Jeffrey Pool ayaa waxuu yidhi markii qarxu dhacay kuwii dhintay mooyee kuwii kale isla markiiba safkii ayay galeen oo ay wali sii wateen in shaqadii booliiska la qoro.


Source: ali cabdirahman (iraq)
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar