|
||
OGADENNEWS |
||
|
Ciidamada Itoobiya oo ku dilay 6 dumar ah iyo labo wiil gobolka ogadenya26/07/06, Ciidamada Itoobiya ayaa 8 ruux oo shacab ah ku dilay Qamuuda oo ka tirsan degmada Qabridahare, kuwaasoo kala ah 6 dumar ah oo Maadh iyo Dhurba doonatay iyo 2 wiil oo geeljira ah labana way carartay. Hadaba waxaa noo suuragashay inaanu helo magacyada Dumarka, kuwaasoo kala ah: 1- Hinda Muxumed Galandi 2- Ruqiya Yuusuf Cali 3- Maadhiin Cabdi Cali Dhuux iyo Gabadheeda Nasra Cali Faarax 5- Ardo Maxamed Raabe. 6-saynab faarah Labada wiil oo ahaa Geeljire ayaan Ilaahada lahaynin Magacyadooda, kuwaasoo aan ku raad taaganahay helidooda, balse waxaa naloo xaqiijiyey inay labada wiil inay ka soo jeedaan Gobolka Wardheer. Dumarkan ayaa ka ambabaxay agagaarka Tuulada Dhuure oo ka tirsan degmada Qobridahare, halkaasoo asal ahaan ka soo jeedaan, waxay Dhurbo iyo Maadh ama qowska hararada laga sameeyo u doonteen deegaanka Horweynku daaqo ee Qamuuda, halkaasoo Illaahay ku manaystay Dhurbada iyo Maadha. sida ay wararku sheegayaan in dagaal dhexmaray ciidamada iyo kooxda onlf oo ay ciidamadu xanaaqsanyhiin ay rasaas ku fureen haweenka halkaasina ay 6 haweenku ahaa ku dileen. warar kalena waxay sheegayaan in ay haweenku ka anbabaxeen magaalada qabridahare iyaga oo u socda baadiyaha siina qaatay qamadi iyo raashin kale ka dibna la jaajuusay oo la yidhi kooxda onlf ayay raashin u wadaan. kadibna ay ciidamadu ka daba tageen oo ay halkaas dhamaantood ku toogteen. dilkaa waxashnimada ah ee ay ciidamada ethiopia kula kaceen dad shacab ah oo haween iyo rag isugu jira oo aan hubaysnayn ayaa waxay tahay wax aan loo dulqaadan karin waxayna cadeyneysaa in gumeysiga ethiopia uu cidhib tirayo shacabka ogadenya. dilkaa haweenka ay ciidamada ethiopia u geysteen haweenka ayaa waxuu yahay danbi aad u xun oo ka soo horjeeda xuquuqda bini'aadamka. anaga oo ah dadweynaha u dhashay gobolka ogadenya ee dibadaha kunool ayaan waxaan u soo jeedineynaa dhaleeceyn falkaa waxashnimada ee ay ciidamada gumeysiga ethiopia ay u geysteen 6 haweenka ah iyo labada nin. waxaa kale oo iyadana cad in aysan dawlada ethiopia rabin in ay nabad ka dhaliso gobolka ogadenya waayo uma aysan ogolaadeen in ciidankoodu shacabka iska dilaan iyaga oo aan wax danbi ah galabsanin. waxaa shaacabkii isu celceliyay kooxda onlf iyo ciidamada ethiopia oo kolba kii soo gaadha ayaa iska toogan dhamaadkii bishii jun2006 ayaa kooxda onlf waxay iyadana ku dishay 6 ruux oo ku jiro suldaankii abraahiimka tuulada caado. marka dawlada ethiopia iyo kooxda onlf waxay heshiis ku gaadheen in ay shacabka laayaan hadaba waxaa shacabka la gudboon in ay fadhiga ka kacaan oo ay hubka qaataan labadoodaba in ay la dagaalmaaan si ay u badbaadaan. hoos ka akhri dilkii foosha xumaa ee ay kooxda onlf gaysatay kooxda ONLF oo dishay 6 ruux oo uu ku jiro suladaankii beesha Abrahiim magacyadoodii hoos ka akhri!!!
Source:abdirisaaq macalin(wariye qorahay) Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
|
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||