SOMALI LINKS
|
Ciidamo Itoobiyaan iyo dowladda oo qabsaday Buurhakaba
09/10/06,
Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Wararka ka imaanaya Soomaaliya, ayaa sheegay in Boqolaal ciidamada Itoobiya oo saakay qabsaday magaalada Buurhakaba ay hadda ka baxeen magaaladaasi.
Weriyaha BBC-da ee magaalada Baydhaba, ayaa sheegay in labaatan daqiiqo kadib markii ciidamadan ay ka baxeen Buurhakaba ay ku soo laabteen ciidamadii deegaan oo ay wehliyaan ugu yaraan laba baabuur oo ay saaran yihiin ciidamada midowga maxaakiimta Islaamka.
Ciidamada dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiaya, ayaa saakay qabsaday magaalada Buurhakaba, iyadoo kuwii deegaankana ay u baneeyeen, oo aanu wax dhiig ah halkaasi ku daadan, waxaana la filayay in ay sii joogaan magaalada ama u sii durkaan dhinaca magaalada Muqdisho, oo ay xarun u ah midowga maxaakiimta Islaamka.
Weriye BBC-da u waramay, ayaa sheegay in uu arkay ilaa laba boqol oo aksari oo Itoobiyaan ah iyo baabuur waawayn oo jiidaya qoryo culus oo dhexmaray Baydhaba, oo ah halka saldhigga u ah dowladda Soomaaliya.
Dad degan, magaalada Buurhakaba, ayaa sheegay in magaalada ay qabsadeen maleeshiyo taageersan dowladda oo ay taageerayaan ciidamada Itoobiya, iyadoo warka ugu dambeeyay ee bixitaankoodana ay dadka deegaanku xaqiijiyeen.
Maleeshiyo deegaanka oo daacad u ahaa midowga maxaakiimta Islaamka, ayaa lagu soo waramay in markii hore halkaasi isaga baxeen ka hor inta ciidamada taageeraya dowladdu aysan iman, haddase ay ku soo laabteen.
Wararka ka imanaya magaalada Muqdishona, waxay sheegayaan in hogaanka midowga Maxaakiimta oo shir albaabadu u xiran yihiin yeeshay, ayaa kadib uu Madaxa amniga ee midowga Maxaakiimta, Yuusuf Indhacadde, oo saxaafadda la hadlay, wuxuu uga digay Itoobiya in ay tallaabada ay ku qabsadeen Buurhakaba wixii ka yimaada ay mas'uul ka noqonayaan.
Yuusuf Indhacadde, wuxuu ku eedeeyay Itoobiya in ay ku soo qaadday Soomaaliya weerar saf ballaaran ah, oo ciidamo ilaa 35 kun ay soo galisay Soomaaliya oo ay qabsadeen dhul aysan horey u joogin, oo ay ka mid tahay Buur oo ay deganaayeen ciidamo deegaanka ah oo gacansaar la leh maxkamadaha.
Madaxa Amniga ee Maxkamadaha, wuxuu sheegay in tallaabooyinka ay Itoobiya ay tahay dagaal cad oo ay ku soo qaaday dalka, isagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u diyaargaroobaan difaaca dalkooda.
Wuxuu ka codsaday bulshada caalamka, Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta iyo dhamaan ururada caalamiga ah in ay Itoobiya ku qanciyaan Itoobiya in ka baxdo Soomaaliya, oo ay ka dayso faragalinta.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|