OGADEN NEWS
Contact ...US


mid ka mid labadii walaalaha oo ay raadinayeen boliiska ingiriiska oo la qabtay

BREAKING NEWS


28/11/05,
waxaa maalintii sabtida aheyd ay boliiska ingiriisku qabteen yusuf jama oo ay booliiska ingiriisku raadinayeen isaga oo laa heystay in uu lug ku lahaa dilkii loo geystay haweeneey ka mid ciidanka booliiska ee dalka ingiriiska.

markii loogu yeedhay niman gaangistariin ahaa oo dhacayay meel tigidhada xajka laga iibsado haweenaydan ayaa markii hor istaagtay nimankii tuugada ahaa ayay toogteen oo ay halkaa ku dhimatay haweeney kale oo booliis aheyd oo la socotayna iyadana way dhaawaceen oo hada cisbitaal ayay taalaa . tuugada ayaa waxay ahaayeen laba nin oo walaalo ah iyo nin hindi ah oo ku dhashay wadankan ingiriiska marka ay dilka geysteen way carareen oo waxaa mid kamid ah laga soo qabtay magaalada la yidhaahdo Birmingham oo hada booliiska ingiriiska ayaa haya waxaana la weydiinayaa su'aalo ku saabsan dilkii haweeneyda booliiska ah iyo labadii kale meesha ay ku gabanayaan.

labada walaalaha ah waa soomali waxayna asalkoodii ka yimaadeen gobolada waqooyi gaar ahaan magaalada hargeysa mar aan la xidhiidhney dad yaqaana oo ay qaraabo yihiin falkan ay ku kaceen nimankan tuugada ah ayaa waxay ku reebtay naxdin soomali badan oo ku nool wadankan ingiriiska.

danbiyada wadankan ayaa waxaa oogu badan dhalinyarada soomalida ah sidaas ayaa waxaa yidhi booliiska ingiriiska xabsiyada ingiriiska waxaa ka buuxa soomali loo soo xidhay xatooyo dil iyo daroogo waa arin aad iyo aad looga naxo


SOURCE:BBC

CONTACT BY EMAIL