OGADEN NEWS
Contact ...US




War saxaafadeed Xafiiska Warfaafinta ee Middowga jabhadda Soomaali galbeed

BREAKING NEWS


23/11/05,
War saxaafadeed maanta ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Middowga jabhadda Soomaali galbeed ayaa waxaa ay ku soo bandhigeen sida ay uga xun yihiin falkii ka dhacay magaaladda Qabri daharre, kaasoo sida ay sheegeen lagu samaayey dadka Somali galbeed. Dadkaasoo ka koobnaa Haween,ciyaal, Arday, Cuqaal, kuwaasoo aan waxba galabsan.

Waraaqdaan ayaa sidoo kale waxaa ay ku xuseen gabood faladii ka dhacay magaalooyinka Farmadoow, Shilaabo,Iyo dhulbeereedka faafsan ee Gobolka Jigjiga.

War saxaafadeedkan ayey ku sheegeen in jabhadda Xoreyna Somali galbeed ineey Qaadi doonaan taallaabo aargoosi ah, waxaana shacabkooda ama taagerayaashooda ay ku dhiiri galiyeen ineey u diyaargaroobaan dagaal lala galo Maamulka haatan ka arimiya dalka Ethiopia,

Waxaa kaloo qoraalkaas ay ku caddeeyeen in dowladda Etiopia iyo Kililka shanaad in ay Qorsheynayaan In dhalinyarada Somali galbeed la geeyo goobta dagalka la filayo waa sida ay hadalka u dhigeene in uu dhex maro Dalalka Eritriya iyo Etiopia.

halkaasoo sida Qoraalkooda ku cad ay Horey ugu Qayb qaateen Dhalin yaro Cadad kodooda lagu sheegay illaa 16,000, waxaana ay noqdeen kuwa dhintay, Qaar waashay, iyo waliba kuwa naafoobay, oo an helin haba yaraatee wax daryeel ah.

waxaana ay Qoraalkooda kaga digeen in aan dabin loogu dhicin kuwa wada Qadiyadda ka dhanka ah Dadka Somali galbeed.

Qoraalkan ka soo baxay Xafiiska middowga jabahada xoreyta Somali galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku saxiixnaa C/laahi Cusmaan ‘gaashaan oo ah madaxa warfaafinta ururkaas,


SOURCE:Muuse Maxamuud Jiisow

Muqdisho Somaliya

CONTACT BY EMAIL