OGADEN NEWS
Contact ...US


madaxweynaha kenya oo kala diray wasiiradii Kenya

BREAKING NEWS


23/11/05,
Madaxwayne Kipaki Madaxwaynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki, ayaa kala eryay dhamaan golihiisa wasiirada maalin kadib markii dadka Kenya si xoog leh cod ku diideen dastuurka cusub ee dalkaasi yeelan lahaa.

Mr Kibaki, ayaa sheegay in uu muddo laba todobaad ah gudahood ku dhawaaqi doono wasiiro cusub.

Natiijada aftida, ayaa loo arkay mid lagu muujinayay cabasho ka dhan ah madaxwayne Kibaki, waxaana aad loo hadal hayay in ay dhici karto in ay guuldaradaasi horseeddo in xitaa wasiirada dowladiisa ku jira ee dastuurka ka soo horjeeday ay ku baaqaan in madaxwynuhu is casilo.

Madaxwaynuhu, wuxuu ku dooday in dastuurka cusub, oo ah kii ugu horeeyay tan iyo markii Kenya xornimada ay ka qaadatay Britain sanadkii 1963-dii, uu noqon lahaa tallaabo casri ah oo Kenya ay qaaday.

Hase yeeshee, mucaaradka, ayaa ku eedeeyay in uu jabiyay ballamo uu horay u qaaday ee ahaa in qaar ka mid ah awoodihiisa uu siinayo ra'iisul wasaare cusub oo dalku yeelanayo.


SOURCE:BBC

CONTACT BY EMAIL