OGADEN NEWS
WELCOME TO KU SOO DHAWAAW


SHIRKII NABADA EE LONDON GO'AAMADII KA SOO BAXAY

Shirka ka dhacay london 24&25 jun 2005 waxaa ka soo qeyb galay wafood ka kala timid wadamada kala ah France,Norway,Sweden iyo dadweyne aad u balaadhan oo ku nool London shirkan waxuu ahaa shir caalami ah oo si hufan loo falanqeeyay rabitaanka shicibka ee ah in nabad lagu soo dabaalo gobolka somali/ogaden ee Ethiopia waxaana ka soo baxay shirkan go'aamo ka kooban 7 qodob waana kuwan hoos ku qoran.

1-In la xoojiyo istaraatiijiyada nabada , Horumarinta iyo wada shaqaynta umadda.

2- In la taageero hawlaha iyo isbedealada ay wadaan hogaamiyo dhaqameedyada iyo doyaasha reer Ogaadeenya.

3- Waxaa laga maarmaan ah dadka dibadda ku nool in ay helaan urur kulmiya si ay ugu fududaato hawlaha nabada iyo isu soo dhawaanshaha ay wadaan. Waxaana lagu aasaasay halkaas urur la dhaho Ururka nabada iyo horumarinta ee Soomaalida Etiyoobiya ( Waxaa jirtay in guddigu ay soo bandhigeen saddex magic ka dibna food loo qaaday loona batay magacaas).

4-In la ururiyo loona sameeyo data base dadka daneeya nabada, Horumarinta iyo malgelinta.

5-In wadankii loo diro wufuud wada socota oo booqasho ku tagta 9 gobol ee uu ka kooban yahay deegaanku.

6. In loogu baaqo kooxaha ayidsan istraatiijiyada dagaalka shir wada tashi oo ay ka qayb qaadanayaan aqoonyahano si wada jir lo xulay iyo hogaamiyo dhaqameedyadu.

7. Waxaa baaq loo jeedinayaa beelaha ku dagaalamaya deegaanka Soomaalida in si nabadgelyo iyo wada hadal ay ku xaliyaan khilaafkooda

nabadgalyo iyo horumar waa saldhiga bulshada


HADII AAD RABTO IN AAD ARAGTO SAWIRADII SHIRKA HALKAN RIIX

Maamulka Ogadennews.Com


ogadennews1@hotmail.com