WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Dagaallo cusub oo caawa ka qarxay degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho

9/05/09, dagaallo cusub oo u dhaxeeya ciidamada dowlada taabacsan iyo kuwa Xisbul islaam ayaa goor dhaweyd ka qarxay aga gaarka saldhiga Wardhiigleey oo xarun u ah Ururka Xisbul islam.

Dagaalkan ayaa hada waxuu kasocdaa aga gaarka saldhiga Wardhiigley iyo isgoyska Folooreensa.Lamana oga sababta dhalisay dagaalkan balse wararku waxa ay sheegayaan in dagaalkani uu qarxay kadib markii baabuur dowladu ay leedahay oo aga gaarka saldhiga marayay la xabadeeyay.

Dadka ka agdhaw goobaha dagaalku uu kasocdo ayaa waxa ay ku soo waramayaan in ay maqlayaan dhawaaqa madaafiicda culus ee la isku garaacayo. Saldhiga Wardhiigleey ayaa ahaa goob ay gacanta ku hayaan ururka Xisbul islaam lamana garan karo sababta dagaalku uu dhinacan ugu soo fiday.

Dagaalada kasocda magaalada Muqdisho ayaa hadba goob horleh ku fidiya lamana garan karo halka ay dagaaladan ku danbayn doonaan.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar