OGADEN NEWS
Contact ...US


QARAX WAYN OO LOO GEYSTAY 3 HOTEEL KU YAALA WADANKA JORDAN

BREAKING NEWS

7/11/05,

Ilaa iyo dad lagu qiyaaso 56 ruux ayaa ku dhimatay Banbaano lagu qarxiyay Hoteelada caalamiga ah eek u yaala wadanka Jordan caasimada amman. waxaana halkaa ku dhaawacantay dad ka badan 300 oo ruux oo u badan jordanian waxaana sheegtay in uu qaraxan ka danbeeyay ururka layidhaahdo AL-QAEDA. Booliiska ayaa sidaas yidhi

Hal banbaano waxaa lagu qarxiyay hoteelka la yidhaahdo Grand Hyatt hotel qaraxa labaadna waxaa lagu qarxiyay hotel kale oo la yidhaahdo Radisson hotel wararku waxay sheegayaan in hotel sedexaad oo La yidhaahdo the days inn, isagana la qarxiyay. Wariyaha BBC’s Caroline Hawley oo dageneyd the Grand Hyatt ayaa waxay tidhi daaqadihii oo dhan way burbureen dhismahii hoteelkana waxaa soo gaadhay khasaare aad u balaadhan.

Wadanka Jordan oo ah saaxiibka koowaad ee bariga dhexe ayaa waxuu yahay Meelaha ay rabaan in ay weeraraan maliishiyooyinku, The Hyatt hotel ayaa waxuu yahay hoteelka ay doortaan in ay degaan ganac Sadayaasha iyo dalxiisayaasha reer galbeedka halkaasi oo ay dad badani ka buuxeen markii ay banbaanadu qaraxday.

Amaanka oo aad u hooseeya

Wariyaha BBC –da ayaa waxay sheegtay in ay aragtay dad six un u dhaawacmay isla markaasina ay anblaastii si deg deg ah u timid Amaanka oo aad u hooseeya xaataa markii ay banbaanadu ku qaraxday

Wargeyska lagu magacaabo Reuters News ayaa waxay sheegeen in banbaanada lagu qarxiyay Radisson algu qariyay safiito been ah oo la sameeyay.

Qaraxana waxuu burburiyay hool weyn oo lagu dhigayay xaflad aroos halkaas oo ay joogeen dad gaadhaya 250 ruux. Weerarkan ayaa waxaa Loo aaneynayaa in ka mid yahay ficiladii lagu yaqaanay qaraxyadii hore ee ay geysan jireen. ALQAEDA ayaa qiratay in ay ka danbeeyeen qaraxyadaan


SOURCE:ahmed abdullahi
Ogadennews - Saudi-Arabia

CONTACT BY EMAIL