OGADEN NEWS
Contact ...US


Codeyn sharciga argagixisada oo Blair looga guuleystey markii oogu horeysay

BREAKING NEWS

7/11/05,

Codeyntani waa guuldaro weyn oo ku timid maamulka Tony Blair R/wasaare Blair ayaa ku guuldareystey cod bixin muhiim ah oo Aqalka Hoose ugu codeeyeen in booliska ay qofka ay qabtaan heyn karaan 90 maalmood maxkamad ka hor.

Waxa xubnaha Aqalka Hoose gaashaanka ku dhufteen codsiga Blair ka dib markii 322 mudane maya ku codeeyeen, halka ay 291 ay haa ugu codeeyeen. Hlkaas oo aqlabiyad 31 xildhibaan ah lagu diidey codsiga Tony Blair. Waa jabkii ugu horeeyey ee soo gaara dowladda Blair ee Labour'ka tan iyo markii ay xukunka majaraha u qabatey sanadkii 1997dii.

Guuldaradan ayaa loo arki doonaa iney dharbaaxo laxaad leh ku tahey awoodda Blair oo isagu sheegey in xildhibaanada ay 'waajib' ku tahey iney taageeraan hindisihiisa.

Hindise cusub

Xildhibaanadu waxa ay hadda u codeenayaan hindiswe kale oo la soo jeediyey, kaas oo sheegeya in qofka wax lagu tuhmo la heyn karo 28, ka hor inta aan maxkamad la geynin.

Hasaahaatee, guuldaradan Blair kaga timid Aqalka Hoose, ma ahin macnaheedu inuu shaqada ka degayo oo ah wax uu sheegey inuu yeeli doono inta aan la gaarin doorashada soo socota. Xisbiga Labour'ku inta badan waxa uu heystaa aqalabiyad gaareysa 66 mudane.


SOURCE:faysal abdullahi
Ogadennews - ADISABABA ETHIOPIA

CONTACT BY EMAIL