OGADEN NEWS
Contact ...US


9 qof ayaa ku dhimatay weerarkii raiisal wasaare Geedi

BREAKING NEWS

7/11/05,

Waa markii labaad ee Mr Geedi lagu weeraro Muqdisho intii uu xilka qabtey Ra'iisalwasaaraha dowladda Federaalka ee ku meel gaarka ah ayaa booqashadiisii labaad ee u ku tago Muqadisho tan iyo markii loo magacaabey xilka oo isla markaas lagu weerarey bambooyin.

Wafdiga Ra'iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi waxa garoonka Cisiley ee Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan labada gole ee dowladda ee garabka raacsan Jowhar.

Kolanyadii sidey Ra'iisalwasaare Geeddi iyo dadkii la socdey ayaa lagu weerarey meel u dhow hoteelka Ramadaan ee Muqdisho.

Warar laga soo xigtey babuurtii daba socotey Ra'iisalwasaaraha ayaa sheegey in dad lagu qiyaasey lix qof oo dabley ah ay baabuurka Ra'iisalwasaare Geeddi bambo ku tuureen. Waxa kale oo wararku sheegeen in miino dhulka lagu sii aasey oo ah nooca meel durugsan laga qarxin karo in iyadan la qarxiyey.

Dad ku dhintey bambooyin

Waxa wararku sheegayaan in Ra'iisalwasaaraha iyo masuuliintii isaga baabuurka la saarneyd aysan wax ku gaarin shilkan, laakiin ilaa 9 ka mid ah ilaaladii la socotey baabuurtii soo dhaweysey Ra'iisalwasaaraha ay halkaas ku dhinteen, iyadoo ilaa dhowr iyo toban kalena la dhigey isbitaallo kala duwan.

Masuuliinta Isbitaaladaas ayaa BBC-da us sheegey in todobo ka mid ah dadka dhaawacmey, xaalkoodu uu halis yahey. Ra'iisalwasaare Geeddi isla markii shilku dhacey ka dib, dad iskugu tagey halkii ahaan jirtey Madextooyada ee Villa Soomaaliya ayuu kula hadley, waxana uu halkaas ka yiri "Dalka Soomaaliya ayaa leh, mid gudaha jooga iyo mid dibada jira cidna ka heybeysanmayno".


SOURCE:faysal abdullahi
Ogadennews - ADISABABA ETHIOPIA

CONTACT BY EMAIL