WELCOME TO OGADENNEWS |
||
SOMALI LINKS
|
08/9/09,
Buuq ka dhacay aqalka wakiilada gobolada waqooyi ee la magac baxay Somaliland
Somaliland ayaa ah meel nabad ah tan iyo intay burburtay dowlada Somalia
Maanta fadhigii golaha wakiilada ee Somaliland ayaa waxaa ka dhacay buuq ay bilaabeen mudanayaasha taageersan
dowladda iyo mucaaradka oo markii danbe isu beddelay inay isu gacan
qaadaan mudanaayasha mucaaradka iyo mudanayaasha taageersan dowlada qaarkood, iyadoo mid ka mid ah
mudanayaasha uu la soo baxay bistoolad.
Mudanayaasha ayaa waxaa la taliyaha dhinaca sharciga ee golaha, wuxuu soo hordhigay qaabka mudanayaasha
u gudo gali karaan laba qodob oo laga doodayo oo kala ah:
Maamuus ka xayuubin Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo xil ka qaadista shir gudoonka golaha wakiilada.
Xildhibaanada taageersan xukuumada ayaa ka biyo diiday qaabka la taliyaha sharciga uu u soo gudbiyay
xil ka qaadista shir gudoonka wakiilada.
Kadibna laba laba ayay isku qabsadeen, markii mid ka mid ah uu la soo baxay bistoolad.
Fadhigii ayaa xirmay, waxaana soo galay madasha boliis iyagoo markii danbana la wareegay boliiska
furayaashii hoolka iyo kuwii xafiisyada xogheynta golaha.
ogadennews1@hotmail.com ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah
waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
|
||
© 2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||