OGADEN NEWS
Contact ...US


Discovery oo dib ugu soo noqday dhulka.

Khat dealers in Hargeisa
Nasa landed at the moon, shuttle retun safe to earth, sky has no limit
9/8/05, Discovery soo noqoshadiisa waxaa loo arkay guul muddo dheer la sugaayey oo hawl culus lagu jiray si aanay khasaare kale u dhicin sidii ku dhacday Colombia oo ay ku dhinteen dhammaan toddobadii cirbixiyeen ee la socday

Dayax-gacmeedka Discovery waxa uu ka soo sama-noqday safar qaatay muddo 14 maalmood ah oo uu ugu maqnaa sahan uu ku tagay xarunta caalamiga ah ee hawada sare.

Madaxa kooxda cirbixiyeennada ah ee la socota dayax-gacmeedka, Eileen Collins, ayaa shukaanta (steering-ka) u qabatay soo degitaankii oo ku soo hagtay goor uu mugdi ka jiro saldhigga ciidamada cirka ee Edwards air force base.

Halkii uu ka soo degi lahaa oo laga leexiyey

Dayaxgacmeedkaasi Discovery ayaa laga leexiyey inuu ku soo dego saldhiggiisii oo ay xaruntiisu ku taallo Cape Canaveral ee gobolka Florida.

Duullimaadkan ayaa ah kii ugu horreeyey tan iyo intii uu burburay dayax-gacmeedkii isaga ka horreeyey muddo laba sanadood iyo bar laga joogo markaasi oo uu soo dhex jibaaxayey hawada dunidan aynu ku noolnahay.

Dayac-tir lagu sameeyey Discovery

Intii uu hawada sare ku maqnaa dayax-gacmeedkan Discovery ayay cirbixiyeennadu dibadda uga baxeen si ay u sameeyaan dayactir looga baahnaa guudka sare ee qalabka uu ka samaysan yahay oo kulaylka ka celiya dayax-gacmeedka, talaabadaasi oo ahayd markii ugu horeysay ee iyadoo kale la qaado.

Maalintii shalay ahayd ayaa soo degitaanka dayax-gacmeedkan dib loo dhigay kaddib markii la sheegay in ay hawadu xumaatay, hase yeeshee soo degintaankan maanta ee guusha ku soo dhammaaday ayey hay'adda hawada sare u qaabilsan Mareykanku ku sheegeen in ay tahay mid dhiirrigelin leh isla markaana sii horseedaysa sahamo kale oo hawada sare lagu tago mustaqbalka.



source:BBC