OGADEN NEWS
Contact ...US


AMERICA OO XIDHAY SAFAARADEEDII SAUDI ARABIA

8/8/05, Wadanka mareykanka ayaa waxuu xidhay safaaradii uu ku lahaa wadanka sacuudi Arabia Iyo laba qunsiliyadood oo uu ku lahaa wadankaa laba maalmood isniinta 8/8/05, iyo Talaado 9/8/05, iyaga oo handadaad ay Ooga timid al-qaeda in ay qarxin doonto safaaradaha mareykanka eek u yaala sacuudi-arabia.

Dhamaan dadka u dhashay wadanka mareykanka eek u nool wadanka sacuudiga ayaa waxaa lagu amray in ay is ilaaliyaan socodkana yareeyaan iyada oo ay safaaradu heshay Bil gudaheed laba handadaad oo loo soo diray.

Safaaradaha Australia iyo united kingdom iyaguna waxay dib u fiirinayaa la talinta socdaalada ee shacabkooda ku imaanayaan wadanka sacuudiga –arabia in ay wax ka badalaan, laakiin dawlada sacuudigu waxay tidhi wax war ah oo an heyno in weerar deg deg ah loo geysan doono wadankan sacuudiga ma uu jiro.

Handadaas loo geystay safaarada mareykanka ayaa waxay kor u qaaday qiimahii betroolka Taasi oo laga cabsi qabo in ay qarxiyaan kooxaha mintidka ah ee taageersan bin-ladin dhismayaasha mareykanku ku leeyahay wadanka sacuudiga afduubtaana dadka mareykanka U dhashay taasi oo cabsi galisay dawlada mareykanka. Kuwa taageersan bin-ladin ayaa waxay wadanka sacuudiga ku dileen in ka badan 90 ruux oo u dhashay wadamada reer galbeedka iyo dad u dhashay sacuudiyiin khasaare laxaad lehna soo gaadhsiiyay oo gaashaya malaayiin doolar ilaa iyo sanadkii 2003.

Dawlada sacuudiga oo aad loo cadaadiyay si ay wax ooga qabtaan argagixisada ku soo badatay wadanka sacuudiga. Waxaana dhex mara ciidamada iyo kuwa taageersan bin-laadin Dagaal la is xabadeeyo magaalada dhexdeeda.



sorce:bbc

BACK