|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| Dagaalkii Diinsoor oon weli socda
Maxaakinta ayaa Soomaalida oo dhan ugu baaqey dagaal lagu qaado Ethiopia
Waxa wararku sheegayaan in dagaalka Sabtidu ka dhacey tuulo degmada Baydhaba ka xigta 50 mayle dhinaca koonfur-galbeed.
Dadka dhulkaas deggan waxa ay sheegeen in Sabtidii (9kii December 06) ay maqleen madaafic la isku riday, laakiin ilaa
iminka ma jiraan dhimasho iyo dhaawac la isla xaqiijiyey.
Isku dhacani waxa uu yimid laba maalmood ka dib markii QM ay ansaxisey qaraar ciidamo shisheeye Soomaaliya loogu dirayo.
Saraakiisha Midowga Maxaakiinta Islaamka ayaa sheegey in ciidamada dowladda KMG ah ay weerar soo rogaad celiyeen, ka
dib markii Maxaakiintu ay ciidanka dowladda KMG ah ay Jimcihii riixeen.
Dhulka Maxaakiintu ka taliyaan
Cali Maxamed Geeddi
Laakiin sida wakaaladda wararka ee AP ay soo xigatey, Ra'iisalwasaaraha dowladda KMG ah Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegey
hadal kaas ka duwan. Mr Geeddi waxa uu yiri ciidanka Maxaakiinta ayaa soo weerarey goob ay ciidamada dowladdu joogeen.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Ethiopia si joogta ah ayeey u beeneenayaan in ciidamo Ethiopian ah ay Soomaaliya dhex
joogaan, laakiin joogitaan ciidamada Ethiopia waa mid si weyn ay u soo warinayaan dadka halkaas deggan iyo saraakiisha
Maxaakiinta Islaamku.
Source:BBC(London) Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||