WELCOME TO OGADENNEWS |
||
SOMALI LINKS
|
4/11/09,
Eng: Ahmed mukhtarFaroole taliyaha gobolka majeerteenya oo fuliyay amarkii meles zenawi ee ahaa in uu yidhaahdo somali-galbeed somalida degta somali ma'ahan isaga oo ku biiray taliyaha gobolka isaaq land ee waqooyi mr. riyaale oo horay shacabka somali-galbeed dagaal mudo dheer kula jiray. sida aad dhamaantiin la wadasocotiin taliyaha gobolka majeerteenya mr. faroole waxuu waday dagaal qarsoon oo uu intii uu xukunka gobolada bari qabsaday uu ku waday beesha somali galbeed degta gaar ahaan goyska ogaadeen. isaga oo amarka la dagaalanka ka soo qaatay dhiigyo cab meles zenawi. FAROOLE IYO RIYAALE waa wakiilo u fadhiya gobolada soomaliyeed ee bari iyo waqooyi ethiopia amarkana toos ooga qaata taliska ardisababa. waxii ay is qariyaanba waagii ayaa ku baryay waxaana lagu amray siiba faroole in uu khudbadii sharafta iyo somalinimada ka qaaday uu akhriyo . waxaa kaloo yaab leh in Faroole uu ku sheegay dad Soomaaliyeed inaysan Soomaali ahayn, isagoo hadaladiisaa ku amaanayay Xabashi u soo shaqo doontay Dekeda faroole waa nin aan damiir shakhsi iyo mid diimeed toona aan laheyn waxuuna xaqiray qadiyadii ogaden ee xornimadooda u dagaalamayay mudo ka badan isaga oo aan dhalanin. waxuu kale oo xaqiray ciidamadii somaliyeed ee ku dhintay xoreynta somali-galbeed 1977-1978 oo gadhayay kumanaan. waxuu sheegay in ay somaliya xadka xaqdarada ah uu sax yahay. dadka gobolkaa degana aysan somali aheyn. 1)faroole ha sheego waxa isaga somali ka dhigay somalida ogadenyana somalinimada u diiday. 2)faroole ha sheego waxa cabdullahi yusuf oo ku dhashay ogadenya somali ka dhigay shacabka ogadenyana somalinimada u diiday. 3)faroole ha sheego shahaadada somalinimada in kaliya laga bixiyo boosaaso. 4)faroole ha sheego sababta uu oogu soo aruurinayo kumanaan qaxooti tigree iyo ahmara ah boosaaso iyo garoowe 5)faroole ha sheego ethiopia lacag intee la eg ayay siiyay si uu u fuliyo fikradaheeda siyaasadeed ee ah in shacabka ogadenya lagula dagaalamo meel kasta oo somalia iyo africa ka mid ah. 6)faroole ha sheego danbiga ay shacabka somali-galbeed ka galeen ee uu xabsiyada intuu ku aruuriyo kadibna uu ethiopia ooga iibsado. 7)faroole waa kansar cusub oo ku faafaya somalia ee shacabka majeerteenya ha iska qabtaan. faroole gudoomiyaha gobolada majeerteenya iyo riyaale waxay meles zenawi la saxiixdeen in loo ogolaado kumanaan qoysas oo ahmara iyo tigree ah in ay degi karaan kana shaqeysan karaan dekeda berbera iyo boosaaso isla markasina ay iibsan karaan guryaha ay degan yihiin taasi oo ay labadaa masuul markii ay booqdeen addisababa ay saxiixeen waxaa qoysaskaa amharada iyo tigreega dhaqaalaha ay ku guurayaan siinaya safaarada mareykanka oo ka qeyb qaadaneysa mashruuca in lagu abuuro shacab amhara iyo tigree ah gobolada waqooyi si 20 sano kadib ay goboladaa muran ugalaan ethiopiana u hesho dakad ay sheegtaan kuna dagaalamaan. qorshahan waxuu socday mudo ka badan 6 sano xataa waxaa ka jira amhaaro doomo kaluumaysi iibasaday oo ka kaluumeysta dekedaha berbera iyo boosaaso. hadii aan taariikh yar indin xusuusiyo mashruucan waxaa isticmaalay yahuuda 1920 1930 iyo 1940's markii ay yuhuudu ka iibsatay falastiiniyiintii guryahoodii ku yaalay juurasalaam iyaga oo guri walba ka siisay qiimahii uu joogay laban laab. si falastiiniyiinya banaanka loo dhigo waana la soconaa meesha ay falastiiniyiinta ku danbeeyeen dhul la'aan iyo qaxooti in ay ku yihiin dhulkoodii mashruucaas waxaa ka qeybqaatay mareykan . hadana mashruucii mid la mid ah ayay mareykanka iyo ethiopia ay ka wadaan puntland iyo kuwa la magac baxay somali-land iyaga oo loo adeegsanayo labada wakiil ee ethiopia u fadhiya labadaa gobol waa faroole iyo riyaale. marka faroolow marka ay ethiopia kaala wareegto dhulka aad sheeganeyso qoladii aad sheegan doonto anigu garan mahayo. sharciga somali u yaala intii aan xornimada la siinin gobolada waqooyi iyo koonfur ayaa waxuu dhigayaa in qof kasta oo somali ah oo ku dhasha shanta soomaliyeed kuwa xorta ah iyo kuwa la gumeysto in ay isku xaq yihiin kana qaadan karaan meel kasta ooo somalia ah passaboor iyo dhalsho yihiina somali citizen. marka faroole waxaa ku qaaday caqli gaabni iyo jaahilnimo inta aadan iska hadlin waxaad marka soo akhristaa sharcigii somalia u daganaa 1900 ilaa iyo maanta oo ahaa in 5 somaliyeed ay dhamaan yihiin somali citizen. hadii farooloow ay maqli lahaayeen allaha u naxariistee mohamed siyaad barre iyo sayid mohamed cabdulle xassan waxa aad ku hadashay carada qabriga ayay la soo kici lahaayeen. shacabka bari waa shacab qiimo leh waxay aniga ila tahay in aysan la wadaagin fikirkiisa calooshii u shaqeystaha ay ethiopia soo dirsatay in uu u baafiyo siyaasadooda gumeysi ee ku salaysan in la gumaado ama la go'doomiyo shacabka somali-galbeed. laakiin waxaan u sheegeynaa in uu faroole uu is ceebeeyay isla markaasina uusan istaahilin in uu matalo shacabka sharafta leh gobolada bari.faroole waa in uu is casilaa hadii kale meesha laga eryaa waayo waa nin cadowga ethiopia u shaqeeya dhulkii somaliyeedna waxuu ku beerayaa habashi iyo tigree waxaa kale oo wax laga xishoodo ah in uu shacab oogu maahmaaho naag gogol dhaaftay wax ogaada ninkeeda ayaa oogu danbeeya marka faroole dhibaato ka qabsatay xaaskiisa ayaan u maleyn in uu ka hadlayay. hala soo baadho (gabay)majeerteenka kale inaan ku gudo weyga garanuuge!!!!! eygaa faroole ayaan eeda qabadsiine. bohol walaalkaa ha qodin hadaad qodana ha dheerayn inaad ku dhici doontaa mooye!!!marka faroole bohol ayuu u qoday shacabka ogadenya dagaalna iyo cadaawad aan meelna loogu soo gabanina wuu ku dhawaaqay bal waynu dhawri meesha ay ku danbeyso. shacabka ogaden wuu dagaalami taagtiisa. faroole agent of ethiopia declare war against ogaden people waad mahadsantihiin Eng: Ahmed mukhtar(maraacaate) ogadennews1@hotmail.com ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah
waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
|
||
© 2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||