|
||
OGADENNEWS |
||
halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read
riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa? 10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka Eng:Ahmed Mukhtar Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi |
Meles Zenawi Ra'iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi ayaa ku eeedeeyay dowladda Eritrea iyo Midowga Maxaakiimnta Islaamiga ah in ay xasiloondaro ka ridayaan gobolka Geeska Afrika. Ra'iisal Wasaraha Ethiopia ayaa ka digay in uu dalkiisa iska daafacayo khatar walba oo ka dhan ah . Meles Zenawi, wuxuu ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa in Itoobiya in aysan qabin cabsi degdeg ah oo dhinaca ammaanka ah oo kaga timaadda dalka Eritrea iyo maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya, hase yeeshee, ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay ka hortagto tallaabo kasta oo cadowtinimo ah oo ay ku dhaqaaqdo xukuumadda Asmara ama kooxaha xagjirka ee magaalada Muqdisho ku sugan. "Waxaan xaq u leenahay in aan iska difaacno isku day kasta ee xasilooni daro ku keeni karta ammaankeena iyo xasiloonideena" ayuu yiri Meles Zenawi kadib markii sraakiisha Itoobiya ay sheegeen in ciidamada amnigu ay dileen 111 mucaaradka Itoobiya ah oo ka soo gudbay bishan." Mucaaradka Itoobiya Meles Zenawi, wuxuu beeniyay in qatar wayn ay ka soo socoto mucaaradka, wuxuuse ku eedeeyeeyay Eritrea in ku howlan tahay sidii ay xasilooni daro uga abuuri lahayd Itoobiya, iyadoo taageeraysa mucaaradkeeda iyo kooxaha islaamiyiinta deriska ee ku sugan dalka Soomaaliya ee lagu eedaynayo ayuu yiri in ay gabaad siiyaan argagixisada Al-Qaacidda. "Eritrea, dadaalka ay damacsan tahay in ay xasilooni daro kaga abuurto gobolka, oo kaliya ma aha in ay shixnado hub gudbiso, balse waxay kaloo taageertaa falal kale," ayuu yiri Meles, isagoo ka hadlayay eedo sheegayay in xukuumadda Asmara ee Eritrea ay ku xadgudubtay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo hubaysan maleeshiyada Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya. Wuxuu weriyayaasha u sheegay in Maxaakiimta Islaamku ay yihiin dad naf la caari ah, oo koox rajo laawayaal ah, siyaasadda rajiimka Eritrea ayaa ku dhisan in ay ka faa'iidaystaan fursadahan oo kale si ay xasilooni darro gobolka uga dhaliyaan. Koox qubaro ah oo ka socotay Qaramada Midoobay, ayaa bishii hore ku eedaysay Eritrea in ay hub siinayso kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya si meel ka dhacdyo dheeraad ah ay ugu gaysto Itoobiya, oo inta badan dadku ay aaminsan yihiin mad-hadta Orthodox ee diinta masiixiga, taasoo walwal wayn ka qabta asalraacnimada Islaamka ee xuduudaheeda. Eritrea way beenisay eedahay ay kooxdaasi Qaramada Midoobay ka socotay u soo jeediyeen. Xoojinta Xadka Itoobiya Meles Zenawi, wuxuu sheegay in Itoobiya ay xoojisay ciidamadeeda military-ga ee jooga xadka dalka Soomaaliya, iyadoo horayna ula dagaalamay kooxo maleeshiyooyin Islaamiyiinta oo ku sugan dalka deriska ah ee Soomaaliya. "waan xoojinaya difaaceena dhamaan xadka si aan uga hortagno halista ammaankeena ee laga yaabo in ay ka timaaddo dib u soo ifbixidda kooxaha Jihaad-ka ee Muqdisho, daqiiqad kastana ilaalo ayaan ka haynaa" ayuu yiri Meles. Kooxaha Islaamiyiinta ee haatan gacanta ku haya Muqdisho, ayaa ku eedeeyay Ethiopia in ay ciidamadeeda xadka ka soo gudbeen, balse Meles si joogto ah ayuu eedahaasi u beeniyay, balse wuxuu yiri tallaabo noocaasi waa suurtagal hadii kooxaha Islaamiyiintu ay qadka ka soo tallaabaan oo halis na galiyaan. "waqtigan la joogo ma jirto qatar cad oo noo muuqata, wayse noqon karaan hadii ay qadka soo tallaabaan, way garanayaan qadkaasi, anaguna waan og nahay ilaa hadda ma soo tallaabin, marka looma baahna in aan hadda tallaabo qaadno." ayuu yiri. Meles, wuxuu intaasi ku daray in ay indhaha ku hayaan waxa ka socda Soomaaliya si foojigan, oo dulqaad leh, waxaan rajaynaynaa in aysan dhicin in loo baahdo in aan tallaabo qaadno. Beeninta Eritrea Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Ali Cabdu, ayaa beeniyay in dowladiisu ay taageerto mucaaradka Itoobiya. Wuxuu yiri, waxaan ognahay in mucaaradka Itoobiya ay ku sugan yihiin gudaha Itoobiya, balse eedaynta Itoobiya ay tahay mid ay ku been abuurayso oo ay damacsan tahay in ay diirada uga leexiso dhibka gudaha dalkeeda ka jira iyo galitaanka ay gashay dalka Soomaaliya. Wuxuu intaasi ku daray in Eritrea mar walba cadaynayso siyaasadeeda dibedda in ay ku salaysan tahay xushmaynta deriska, iyo in aysan faragalin, isagoo beeninayay in mucaaradka Itoobiya laga soo taageero Eritrea oo ay ku sugan yihiin.
Source:BBC Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi. by:Abdullahi Mohamed |
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
||