OGADEN NEWS


Xildhibaanno iyo Wasiiro Xudur tagey

28/03/05, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo baarlamaanka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, oo ka soo jeedda gobolada Bay iyo Bakool, ayaa maanta gaaray magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Weriyaha BBC-da Yuusuf Xassan Mursal, ayaa warbixintan nooga soo diray magaalada Nairobi.

Wasiirada iyo xildhibaanada gaaray magaalada Xuddur, ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur (shaatiguduud), Wasiirka Garsoorka iyo Caddaalada Sheekh Aadan Maxed Nuur (Madoobde) Wasiirka Gaadiidka dhulka iyo Cirka Ibraahim Aadan Xasan (kiishbur) Wasiirka dib u heshiisiinta iyo xiriirka jaaliayadaha Sheekh Aadan Mad-deer, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Cabdalla Deerow Isaaq iyo xildhibaano kale oo Baarlamanka ka tirsan.

Wafdigan, oo ka kooban shan wasiir iyo 2 xildhibaan oo xukuumada iyo Baarlamanka ka kala tirasan, ayaa kowdii duhurnimo ee maanta ka degay magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wasiirka Dastuurka iyo Federalka, Cabdalla Deerow Isaaq oo BBC-du la hadashay wax yar ka dib markii ay ka degeen magaalada Xuddur ayaa sheegey in safarkooda uu la xiiriiro, waxa uu ugu yeerey, sidii ay gobolka Bay uga xorreyn lahaayeen, sida uu hadalka u yiri "wadaadada ku soo duuley".

Wuxuuna Cabdalla Deerow, war xumo tashiil ku tilmaamay warar sheegayey in ay ku wajahan yihiin Magaalada Godey ee kililka shanaad ee ay Soomaalidu degto.

Bixitaanka wasiirada iyo xildhibaanada ayaa ku soo aadey, xilli labadii maalmood ee laga soo gudbey magaalada Baydhabo ay ka socdeen dagaalo geystey dhimasho iyo dhaawac, oo isla markaana mid ka mid ah labadii dhinac ee ku dagaalamayay ka baxeen magaalada, taasoo ay ku tilmaameen xeelad dagaal.

Magaalada Baydhaba, ayaa haatan xasiloon tan iyo markii uu dagaalkii ugu dambeeyay ka dhacay shalay subixii, iyadoo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo taageersan xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, oo isagu sheegay in uu howl dhexdhexaadin ah u joogo magaalada Baydhabo oo labada dhinac isu keenayo si ay u wada hadlaan.

Qore: mohamednuur Xirsi (Europe)


mohamednuu@hotmail.com