OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

EEDAYN LOO SOO JEEDIYAY WAREYSIGII MOHAMED OMAR OSMAN EE BBC-DA


24/02/06,

Waxaan nala soo xidhiidhay dad aad u badan oo ka cabanaya wareysigii Mohamed omar uu siiyay laanta af-soomaliga ree BBc-da ee ku sheegay in uu joogo zone qubbi.

Waxaa argagax iyo fajac ku noqday dhamaan beesha daggan zone qubbi iyo inta kale ee danaynaysa nabadgalyada iyo ammaanka beeshaasi hadaladii ka soo yeedhay hogaamiyaha jabhadda O.N.L.F ee ka soo horjeeda dawladda Ethiopia, hadaladaa oo uu ku sheegay inuu joogo badhtamaha Ogadenia gaar ahaan dagmada qubbi, taasoo galin karta khalkhal iyo nabadgalyo xumo aagaasi iyadoo sidaynu ognahay dawlada Ethiopia uu dagaal ka dhaxeeyo ururkaas.

Waxaan shaki ku jirin in ay dhibaato ka soo gaadhayso dadweynaha tabarta daran ee sidooda kalaba ay abaaruhu jilciyeen arintaas ah sheegashada uu guddoomiyuhu sheegtay inuu joogo aagaas iyadoo sida aanu ognahay hadda ka hor in aysan dadweynaha aagaas dagani aysan u gaysan wax dagaal ah ama iska horimaad dawlada Ethiopia iyo maamulkeeda, su’aasha iswaydiinta leh waxay tahay muxuu uga jeeday maxamad cumar cismaan waxaan joogaa qubbi.!!!

isagoo ka warhaya dhibaatooyinka ay dawladda Ethiopia ku hayso dadweyanaha ogadenia iyo iyadoo aan intaan ka warhayno uusan sheegi jirin meel cayiman marka uu waraysiyada siinayo laanta Af-soomaaliga ee BBC-da,

1) Ma wuxuu isdhahay meesha malaha dadba ma dagana oo dan kama laha wixii dhibaato ah ee soo gaadhaysa?

2)Ma wuxuu is dhahay kama mid ah gobolada ay dagan yihiin dadweynaha OGADENIA? ee ay maalin walba dawladda ETHIOPIA ugu marmarsoonayso waxyaabo yaryar oo sidaas oo kale ah amaba kaba sii yar?

3)Mise waxay ka duwantahay bartilmaameedyada uu kala baqo inuu ku sugan yahay? Jawaabtaasi waa mid aanu ka sugayno guddoomiyaha inuu jawaabteeda bixiyo haddii aanu nahay dhalinyarada u dhashay aagaas QUBBI ee jooga wadamada yurub iyo America.

Wixii macluumaad ah ee dheeri ah waxaad kala soo xidhiidhi kartaa

Websitekan: qubbizone.com

halkan nagala soo xidhiidha


Source: Websitekan: qubbizone.com
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar