OGADEN NEWS
Contact ...US


4 Askari oo Mareykan ah oo lagu dilay Ciraaq

10/8/05, Weerarrada gaadmada ah ee lagu qaado askarta Mareykanka ayaa soo kordhaya iyadoo weerarkii ugu dambeeyeyna uu ahaa baabuur bambaano lagu soo rakibay oo ku qarxay Galbeedka magaalada Baqdaad, halkaasoo lix qof waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan toddoba kale.

Qaraxani ayaa waxa uu dhacay xilli ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee waddanka Ciraaq sii waddaan sidii ay uga gudbi lahaayeen is mari waaga ka taaggan dastuurka cusub ee dalkooda.

Hadallada booliska

Boolisku waxay sheegen in bambaanadaasi ay ku qaraxday wajahadda saldhig ay boolisku leeyihiin, iyadoo laba askari oo booliska ka tirsanina ay ka mid ahaayeen dadka dhintay.

Markaasi ka hor, ayaa ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay afar askari oo Maraykan ahi lagu dilay markii weerar lagu qaaday baabuurkii ay ku socdeen ee ilaalada ahaa xalay fiidkii meel ku dhow magaalada saliidda lagu sifeeyo ee ku taalla Waqooyiga waddankaasi ee Baiji. Lix askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.



source:BBC