OGADEN NEWS
Contact ...US


diyaarad laga lahaa Venezuela oo dhacday

Venezuela Airways
Short-medium range airliner
Produced from 1980-1999
Capacity: 152 passengers
Two rear-mounted Pratt and Whitney turbofan engines

16/8/05, Diyaarad ay saaran yihiin 160, ayaa ku burburtay waqooyiga galbeed ee dalka Venezuela. dhamaan dadkii saarnaa diyaaradaa ayaa waxaa la aaminsanyahay in ay dhamaantood ay dhinteen

Waxaa la wadaa gurmad lagu dadaalayo sidii loo gaadhi lahaa goobta ay diyaaradu ku burburtay iyada oo la sheegayo in ay adkaan doonto sidii lagu gaadhi lahaa burburka diyaarada waayo roobab waaweyn ayaa goobtaa ka da'aya.

Dad goobjoog ah, ayaa ku soo waramaya in ay maqleen qarax markii diyaaraddu ay soo dhacaysay.

Duulimaadka Shirkadda Diyaaradaha Galbeedka Caribbean, ayaa ka tagtay Panama oo u socotay jasiiradda dalalka Carrebeanka la isku yiraahdo ka mid ah ee Martinique.

Wasiirka arrimaha gudaha Venezuela, Jesse Chacon, ayaa sheegay in duuliyaha uu sheegay in cilad ay ku jirtay matoorka, uuna dalbaday in uu soo dajiyo diyaaradda.

waxuu wax yar ka dib duuliyahii diyaarada sheegay in uu injinkii labaad uu isagana gubtay Markaa kadib, ayaa kooxaha qaabilsan howlaha kala hagidda diyaaradaha ay sheegeen in ay lumiyeen xiriirkii diyaarada.



source:BBC