|
|||||||||||||||||
WELCOME TO OGADENNEWS |
|||||||||||||||||
SOMALI LINKS
| Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo duqeeyay Deegaano ku yaala Galbeedka Af-madow ee gobolka Jubbada Hoose iyo cabdullahi yusuf oo taageeray laynta shacabka degaankaas iyo xoolahooda!!!
9/01/07,
Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka, gaar ahaan nooca loo yaqaano AC130 ayaa waxay duqeyn
xooggan u geysteen deegaano ku yaala Galbeedka Af-Madow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo loogu sheegay in ay ku
sugan yihiin Rag ka tirsan Ururkii Al-Qaacidda oo Maxkamadaha Islaamka la safnaa.
laakiin waxaa cadaatay in aysan ciidamada maxaakamiinta ay dagaanka joogin oo ay ka tageen mudo ka badan wiig
laakiin uu dagaalkan ay mareykanka iyo ethiopia ay ku qaadeen dhooblay iyo afmadoow ay tahay mid lagu laynayo
beesha ogadeenka ee degaanka degta taasi oo ay ka danbeeyaan masuuliyiin soomaliyeed oo ku soo hogaaminaysa
degaanka ogadenya si looga ceydhsho beehsa ogaden degankooda loguna beero beelaha ka soo horjeeda beesha ogadenka.
iyo cabdullahi yusuf oo taageeray laynta shacabka degaankaas iyo xoolahooda taasi oo cadeynaysa in uu isaga iyo dawladiisa
ay siiyeen fasaxa in la duqeeyo beesha degaankaas oo kaliya wadaadadu meel kasta way joogaan maxaa loo duqeyn waayay muqadishu
gedo, jawhar, hiiraan, far ayaa ku godan cabdullahi yusuf iyo qabqablayaashiisa shacabka ogadenya meel kasta oo ay joogaan
waa in gacmaha is qabsadaan iskana cliyaan gumaadka lala maagan yahay.
Diyaarado nooca wax basaaso ah oo uu Mareykanku leeyahay ayaa waxay sahmiyeen halka ay diyaaradaha dagaalka duqeeyeen,
iyagoo halkaas ka qaaday sawirro ay isticmaalayeen diyaaradaha duqeynta geystay.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, hadana waxaa jirta in Warbaahinta Mareykanka ay shaaciyeen
inay halkaasi ka dhacday dhimasho fara badan oo soo gaartay dadkii halkaasi ku sugnaa oo ay dhici karto xitaa in ay ku
jireen dad aan ka mid ahayn kuwa la baacsanayay.
Diyaaradaha wax duqeeyay ee uu Mareykanka leeyahay ayaa la sheegay in ay ka soo duuleen Saldhig ay Ciidamada Mareykanka ku
leeyihiin Dalka Jabuuti, waxayna bar tilmaameedsanayeen sida wararku sheegayaan Rag xiriir la leh Shabakadda Al-Qaacidda
iyo weliba kuwo loo heysto in ay ka dambeeyeen qaraxyo sanadkii 1998-kii loo geystay Safaarado uu Mareykanku ku lahaa
Dalalka Kenya iyo Tanzania.
Dhawaan-na waxaa Xeebaha Koofureed ee Soomaaliya si aad ah ugu soo dhawaaday Maraakiibta Dagaalka Mareykanka, kuwaasi
oo ciidamada saaran ay ka hortegayaan in ay dhinaca Xeebta uga baxsadaan Xubno uu Mareykanka doon-doonayo oo la sheegay
in ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacidda.
Source:BBC(London) Ogadennews.com - CONTACT BY EMAIL ![]() |
SOMALI MAQAAL
|
|||||||||||||||
©
2000 ogadennews.com | Design by
Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar |
|||||||||||||||||