OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

Doon qaxooti la degtay


19/05/06, Masawir hore Wargeyska Assabah ee maalinlaha ah ee ka soo baxa Tunisia ayaa qoray in 7 ruux oo magangelyo doon, oo 2 ay carruur tahay, ay ku dhinteen badda Tunisa.

Ilaalada Xeebaha Tunisia ayaa samata bixisay 38 ruux, oo intooda badan tahay Soomaali iyo dadka reer Ivory Coast iyo Nigeria, ka dib markii doon ay la socdeen gaasku ka dhammaaday ee ay ku degtay xeebta koofureed ee magaalada Sfax ee Tunisia.

Shanta ruux ee halkaa ku dhintay meyd ayay ahaayeen markii ay ilaaladu gaartay, labada carruurta ahina waxay dhinteen intii isbitaalka loo sii waday.

8 kale ayaa isbitaalka la dhigay kuwaas oo lagu tilmaamay in naftoodu ay halis ku jirto.

Doontu waxay ka soo shiraacatay ayaa la leeyahay xeebta Zoura ee Libya waxayna u socotay Italy.

Aagga shilka

Aagga shilku ka dhacay

Sabab aan la ogeyn ayaa Africa ku celisay markii ay gaareen xeebta jaziiradda Cicily ee Italy. Doontaasi, sida wargeysku qoray, 11 maalmood ayay sabbeyneysay intaanay degin.

Wargeyska Assabah maanta (khamiis) ayuu qoray warkan, laakiin ma sheegin marka shilku dhacay.


Source: Source: bbc
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar