WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


al-Shabaab oo Dhoobleey laga qabsaday

18/02/10, Xarakada Shabaab ayaa Dhoobleey horey uga qabsaday Xisbul Islaam Ugu yaraan toban qof oo u badan dhinacyada dagaallamayay ayaa ku dhintay dagaal culus oo ka dhacay Dhoobleey.

Dagaalka oo saaka ka dhacay magaalada Dhoobleey ee u dhaw Soohdinta u dhexeysa Somalia iyo Kenya, ayaa u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamo deegaanka ah oo uu hogaaminayo Shiikh Axmed Madoobe, oo ka tirsan xisbul Islaam.

Sida wararku ay sheegayaan waxaa dagaalkaasi ku gacansareeyay oo magaalada qabsaday ciidamada Axmed Madoobe.

Weli lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalka geystay, laakiin waxaa la sheegayaa inay jirto dhimasho iyo dhaawac dadka rayidka iyo dhinacyada dagaallamayay

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar