OGADENNEWS
  fooljeex

Baydhaba: Wasiirkii Dastuurka ee DKMG Cabdalla Deerow Isaaq oo la dilay...


29/07/06, Cabdalla Deerow waxa uu ahaa Wasiirada la safan garabka madexweyne Cabdullahi Yusuf Cabadalla Deerow Isaaq waxa uu ahaa Wasiirka Dastuurka, waxana rasaas la haley dabley ilaa iminka aan la garan heybtiisa, lana qaban. Ma jiro wax war ah oo ilaa iminka ka soo baxey dhinaca dowladda oo ku saabsan dilka Wasiirkaas.

Cabdalla Deerow, hadda ka hor ayaa magaalada Carte ee waddanka Djibouti waxa loogu doortey inuu noqdo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, ka dib markii la soo gabagabeeyey shirkii Carte ka dhacey sanadkii 2000.

Waa mudanihii labaad ee todobaadkan lagu rasaaseeyo magaalada Baydhaba gudaheeda.

Masaajid hortiis

Waxa wararaku sheegayaan in Cabdalla Deerow Isaaq la toogtey isagoo ka soo baxey Masaajid uu salaaddii Jimcaha ku tukadey.

Waxa intaas raaciyeen in ninka Mr Deerow toogtey uu ahaa wiil dhalinyaro ah oo da'diisa lagu qiyaasey inuusan ka badneyn 20 jir.

Markii Mr Deerow la toogtey waxa loola ordey Isbitaalka Daaru-Shifaa ee ku yaalla magaalada Baydhaba. Isla markii Isbitalka la geeyey ayaa laa sheegey in Cabdalla Deerow uu u dhintey afar xabadood oo ninka toogtey uu ku dhuftey.


Source:abdirisaaq macalin(wariye qorahay)
Ogadennews.com -

CONTACT BY EMAIL



 
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar