SOMALI LINKS
|
Meles Zenawi oo ku hanjabay in uu maxaakamiinta islaamka uu dagaal ku qaadi doono!
27/11/06,
Zenawi: "dal kasta wax uu xaq u leeyahey inuu khatarta ku timaadda iska difaaco"
Meles Zenawi waxa uu sheegey in ciidamada Ethiopia ka jooga Soomaaliya ay halkaas u joogaan in ay ilaaliyaan dowladda KMG ah ee caalamku taageersanyahey.
Laakiin buu yiri dhawaaqa ay Maxkamadaha Islaamaga ku sheegayaan iney jihaad ku qaadayaan ciidamada Ethiopia inuu ka dhiganyahey khatar muuqata oo hadda taagan oo dalkiisa ku soo foolle.
Jawaabta Maxaakiinta Islaamiga
Laakiin saacad ka dib markii uu Meles Zenawi uu Baarlamanka Ethiopia u jeediyey khudbaddaas; ayaa Maxakamadaha Islaamiga ee Muqdisho ay kulan deg deg ah yeesheen ooy iyaguna ku dhawaaqeen iney dhinacooda diyaar ka yihiin iney difaacayaan Soomaaliya ooy ka difaacayaan khatarta iyo hanjabaadaha ka imaanaya Ethiopia.
Ethiopia waxa ay beeneeneysey warbixin ay khubaro ka socda Qaramada Midoobey ku sheegeen in kumannaan askar ah oo ka tirsan ciidamada Ethiopia iney Soomaaliya dhex joogaan.
Laakiin waxa Ethiopia ay qiratey in khubaro la taliyaal u ah dowladda KMG ah ay Soomaaliya u dirtey.
Meles Zenawi waxa uu sheegey in si la iskaga caabiyo khatarta hadda ku soo foolle dalkiisa ay siyaasadda waddankiisu tahey in marka hore arimaha Soomaaliya lagu xalliyo wadahadal. Laakiin buu yiri in dadaalkii noocaas ahaa ilaa iminka aan lagu guuleysan.
Waxa Zenawi intaas raaciyey, marka ay khatar noocaan ah dal ku timaaddo; waxa dal kasta uu xaq buuxa u leeyahay inuu khatartaas iska daafaco.
Waxa hadalkiisii uu Zenawi ku darey, si xuquuqdaas aan leenahey u meel marinno, waxa jirta in dowladda Ethiopia ay isku diyaarineysey sidii ay arinkan ay uga tabaabusheysan laheyd, sababtoo ah ayuu yiri waa masuuliyadayada. Dowladuna iminka u diyaargarowgaas wey dhameystirtey.
walaaca Ethiopia
Waddanka Etiopia oo lagu sheego inuu yahey dal masiixiya ayaa walaac weyn ka qaba in Maxaakiinta Islaamiga ee Soomaaliya ay saameeyn ku yeelato gobolada koonfur-bari ee Ethiopia oo ay deganyihiin dad Soomaaliya.
Waxana ay Ethiopia ka baqeysaa in Islaamiyiinta Soomaaliya ay dalkeeda u soo dusiyaan ficilo dowladda Ethiopia lid ku ah, Islaamiyiintaas oo lagu cambaareenayo iney al-Qaeda xiriir la leeyihiin.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|