OGADENNEWS
  fooljeex halkan ka dhageyso maqaal ku saabsan gumaadkii qabridahare iyo gubidii tuulada fooljeex?. Read riix si aad u dhagaysato.
Wadanka Danmark ma cadawga cusub ee diinta muslimkaa?
10/11/05, Wadanka DANMARK ma cadawga qarsoon ee diinta muslimkaa wadankan oo in mudo ah ba ku hayay weero kala duwan oo looga soo horjeedo diinta muslimka
Eng:Ahmed Mukhtar
Xiisadda xuduudka Eritrea iyo Ethiopia
by:Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi

Maxamed-Dheere oo ku biiraya dagaalka


21/02/06,

Qanyare Maxamed Cumar Xabeeb ayaa sheegay in uu dagaalka Muqdisho ku biiri doono, oo uu gacan siin doono Hoggaamiyayaasha kooxaha ee la diririaya Maxkamadaha Islaamiga. Arrintaas waxaa uu sabab uga dhigay in ay Maxkamaduhu dalka soo geliyeen dad ajnebi ah.

Maxamed-Dheere oo marka hadalkan uu jeedinyay ay magaaladiisa marti ugu ahaayeen xubno wafdi Ethiopian ah, haddii uu hadalkiisa ka dhabeeyo, dagaalka Muqdisho waxaa uu noqon doonaa mid qaata dardar hor leh.

Dagaalka oo markiiisii horeba ku billwoday weji cusub oo ah in kooxaha diinta iyo kooxaha hubeysan loo diriro, waxaa uu ilaa iyo hadda ku guuleystay oo keliya in uu xirmo garoonka dayuuradaha ee Dayniile, oo uu Maxamed Qanyare iskiis u lahaa.

Isbahaysi aan la garan karin

Isbahaysiga ka soo horjeeda Maxkmadaha waxaa ku jira dad aan ilaa iyo hadda siyaasadda isku waafaqsanayn, welibana qaarkood uu dagaal ka dhexeeyay.

Qanyare hadda ka hor ayuu Maxamed-Dheere ugu hanjabay in aan dowladdu degi karin magaalada Jowhar. Muuse Suudi oo siyaasadda markii hore ku soo galay in uu Maxkamad Islaami ah ka sameeyo xaafadda Madiina ayaa isagana waxaa hadda ka hor uu dagaal dhex maray Bashiir Raage.

Waxaa isaguna isbahaysiga ku jira Cabdirashiid Ilqeyte oo isagu wixii hadda horreeyay ganacsi uun lagu yaqaannay. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay hoggaamiyayashan kooxuhu ay ka dhabeeyaan in ay wadajir ula dagaalaan wadaaddada, waxaa aad u adkaaneysa in ay wadaaddadu guul iska daaye ay u suurta gasho in ay is daafacaan.

Shirka baarlamaanka ee Baydhaba

Inta isu bahaystay dagaalkan, waxaa keliya oo ay ka siman yihiin in aanuu ku jirin nin taageersan shirka Baydhaba. Waxayna u muuqataa in ay hadda qiil u noqon doonto ay ku codsadaan in shirka dib loo dhigo, iyaga oo haddii kalena kaba maqnaan doona.

Baarlamaanku uma eka in uu u xayirnaan doono, hase yeeshee, mar haddii ay ka maqan yihiin nimanka hubeysan ee Muqdisho ee awalba aan Madaxweynaha iyo ra'iisal Wasaaraha ku mawqif ahayn, waxay noqon doontaa caqabad hor leh.


Source: http://www.mathaba.net/news/ethiopia/
Ogadennews -

CONTACT BY EMAIL



  If you need advert for your Business
24 hours 7 days a week please click here to contact us/ hadii aad u baahan tahay in laguu xayeysiiyo ganacsigaaga 24ka saac 7-maalmood fadlan halkan riix si aad noola soo xidhiidho

Xidhiidh ka dhaxeeya dagaal oogayaasha Muqdisho iyo madaxda ONLF qaarkood

Warqad furan kuna socota M/weyne C/llahi Yusuf & Ra'iisal Wasaare Geedi.
by:Abdullahi Mohamed
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar