SOMALI LINKS
|
Ciidamo uu hogaaminayo Barre Hiiraale iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka oo Bu'aale ku dagaalamay
saaka oo ay maxkamaduku ka qabsadeen 16 baabuur!!!
22/10/06,
Axad, October 22, Wararka naga soo gaaraya Degmada Bu'aale ee gobolka Jubada Dhexe
ayaa sheegaya in ay halkaasi ku dagaalameen Ciidamo u kala daacad ah Maxkamadaha Islaamka ee
dhawaan la wareegay gacan ku heynta Gobollada Jubbooyinka iyo Ciidamo kale oo iyana ka amar
qaata Col. Barre Hiiraale oo ahaa Guddoomiyihii Isbaheysiga Dooxada Jubba ee Kismaayo isaga
cararay.
Ma cadda ilaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac oo
indhawaalaba Aag isugu jiray, waxaana taasi ugu wacan iyadoo mas'uuliyiinta labada dhinac
ay ka gaabsanayaan in ay ka hadlaan dagaalka u dhaxeeya, sidoo kalena waxaa xun
Isgaarsiinta Degmada Bu'aale, waxayna taasi keentay in la ogaado khasaaraha dagaalkaas
uu geystay.
Ciidamada Col. Barre Hiiraale oo muddooyinkan lagu diyaarinayay ayaa waxay doonayaan in
ay dib u qabsadaan Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan degmada Kismaayo ee Dekedda leh,
halka Ciidamada maxkamadahana ay doonayaan in ay sii adkeystaan gacan ku heynta gobollada
Jubbooyinka.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa isaga
baxay Magaalada Kismaayo kadib markii ay ciidamo badan oo ka amar qaata Maxkamadaha
Islaamka ay u dhaqaaqeen dhinaca Gobollada Jubbooyinka, inkastoo qabsashada Magaalada
Kismaayo ay Maxkamadaha Islaamka u sahleen xubno ka tirsanaa Isbaheysigii Dooxada Jubba
oo ay dabcan ay Korneelku is-qabteen.
Dhanka kalena, wararka naga soo gaaraya Degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa
sheegaya in ay saakay halkaas gaareen ciidamo ay hoggaaminayaan Taliyaha Ciidamada
Daraawiishta Puntland Xiis Cali Taar iyo Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay
Muqdisho ka ceyriyeen maxkamadaha Islaamka.
Labadan Sarkaal oo watay ilaa dhowr iyo
toban gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa markii ay gaareen halkaas waxay kulamo la qaateen
odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Degmada Cabuudwaaq, kuwaasi oo sida la sheegay ay kala
hadleen ujeedada socdaalkooda. Lama oga halka ay ciidamadaas ku wajahan yihiin iyo inta ay
Cabuudwaaq sii joogi doonaan.
Source:BBC(London)
Ogadennews.com -
CONTACT BY EMAIL

|
SOMALI MAQAAL
|