WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


WFP: Cunto la diiday in la qaybiyo

25/02/10 Afhayeenka WFP Peter Smerdon Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay, WFP, ayaa sheegtay in raashin ay ugu tala gashay in Afgooye la geeyo, loo diiday in uu maro waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Hey'addu waxay ka gaabsatay in ay sheegto magaca kooxda u diidday, waxayse sheegeen in niman hubeysan oo waddada fadhiyaa ay u diideen in uu raashinkaasi u gudbo dadka bara kacay.

WFP waxay sheegtay in raashinka loogu tala galay 336 kun oo ruux oo bara kacay oo ku sugan hareeraha waddada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar