WELCOME TO OGADENNEWS
  SOMALI LINKS


Hay’adda WFP oo gebi’ahaanba isaga baxday Gobolladda Jubbooyinka

07/01/10, Waxaa gebi ahaanba isaga baxay Goboladda Jubooyinka Hay’adda cunada aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano WFP taasoo ay maalmihii u dambeeyay hakisay shaqooyinkii ay ka heesay guud ahaanba koonfurta soomaaliya.

Hay’adda WFP ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay isaga baxeen degmooyin ay ka midyihiin bu’aale , afmadow iyo dhoobley iyadoona ay wararka ka imaanayo deegaanadaasi ay sheegayaan in saraakiishii ku sugnaa bu’aale ay u duuleen Magaalada Narobi ee xarunta wadankasi Kenya.

Kabixitaanka ha’ada WFP ayaa ka danbeysay ka dib markii amaro kasoo yeeray hogaanka sare ee xarakatul Shabaabu Almujaahidiin kaas oo ah in Hay’ada WFP gabi’ahaanba ay isaga baxdo dalka soomaaliya islamarkaasna cunooyinkii ku keedsanaa bakhaarada deegaanka dhoobley loo qeybiyay dadka ku tabaaleysan deegaankaasi,

Ugu danbeyntii ka bixitaanka Hay’ada WFP ee ay ka baxday Gobolada Jubooyinka ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli ay kusoo badanayaan gobolada jubooyinka dadka soo barakacayaasha ah kuwaas oo ka soo cararayo dagaalada marba marka xiga kasoo cusboonaayo Gobolada Dalka,


ogadennews1@hotmail.com



  SOMALI MAQAAL


Warar dhexdhexaad ah |Daacad ah oo run ah waxaad ka helaysiin websitka caanka ah ee Ogadennews
© 2000 ogadennews.com | Design by Ogadennews webdesigner Eng:Ahmed Mukhtar